crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Karni Mata: Macbadka Doolliyada – Jiirka | HimiloNetwork

Karni Mata: Macbadka Doolliyada – Jiirka

Delhi (Himilonews) – Macbadka Hinduuga ah ee Karni Mata waxaa bilowga 1900 uu Maharajah Ganga Singh u dhisay maamuus sharafeedka Ilaaha Jiirka, Karni Mata – waxa ugu cajiibka badanna, waa inay hoy u tahay in ka badan 20,000 Jiir la caabudo ah.
Sooyaalka ka danbeeya dhismaha macbadkan ayaa ah in Karni Mata uu kasoo haray ilaahooda awoodda leh ee Durga. Waxay rumeysan yihiin in nolosha danbe ee gubista kadib ay noqon doonaan Jiirka oo kale kahor intaan lasoo nooleynin, marka loo eego caqiidadooda Hinduuga. 
Hayeeshe, si kastaba oo ay u rumeystaan waxa ay aaminsan yihiin, ma ahan oo kaliya midda layaabka sameyneysa. Waa sida ay Jiir iyo dad u wada noolaan karaan; ama qof u xanaaneyn karo noole meelaha qaar, sida dunida Muslimka, aragtida lagu dilo.
Kolay urka iyo fadarada ay sameeyaan, shaki kuma jirto inay u bukoon karaan una dhiman karaan kuwa daryeela. Balse in dilkiisa uu yahay danbi iyo inaan wax-yeelladiisa lagu colaadin waxay muujinaysaa in ilbaxnimada iyo horumarka ay sameynayaan dadka Hinduuga ah caqabad ay kusoo foolan tahay. Inay kaliya mamnuuceen dilka Jiirka, waxay ragaadin kartaa nolosha malaayiin Hinduu ah.
Shakina kuma jirto middaas.
q1 q2 q6 q7
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!