crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Abuurka iyo Baxaalliga Libaaxa!! | HimiloNetwork

Abuurka iyo Baxaalliga Libaaxa!!

Qeybtii 3aad;
lin
Cagabaruurtu waxay kadeed iyo kur-ka-goys kala kulmaan dugaagta kale sida; Dhurwaaga, Haramcadka, Halaqyada iyo Haadda qaarkood sida; gorgorka. Waxaa kale oo ciil caabuqay ku disha Lo’ Kinsiga “Buffalo”. Waxaa intaas dheer, kolka uu Aar cusubi ama xoog lihi xilka ka bursado kii hore, wuxuu nafta-tagsiiyaa Cagabaruur waloo nool. Dabcan, sababtu waxay tahay Gooshu bacrin “fertile” ma noqoto umana dhego-nuglaato Aarka, jeer dhasheedu u hana-qaadaan ama hed-go’aan. Iskusoo ururiye, Cagabaruurtu way le’daan 80% inta aanay 2 gu’ jirsan.
Hal-ku-dhigyadii laga yiri Libaax
  • Libaax Nin galladay iyo Nin ganayba kala og.
  • Libaax Nin aan garanayn ayaa lax ka dhigta.
  • Libaax laba goobood lagama wada kiciyo.
  • Hal libaax arkaysaa ma godlato.
  • Libaax aan wax dhadhamin habeen maciyo.
  • Libaax kaasii jeeda, la iskuma soo jeedso.
  • Libaax deeqi ka gurxamisay.
  • Libaax intay bulbusha ku taal, bahal macuno.
  • Libaax Nin aan aqoon baa lax ka rita.
  • Aqal libaax lafo lagama ag waayo.
    Xigasho buugga Duurjoogteenna oo uu qoray Zakariya Hassan “Hiraal”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!