crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gaajadu waa Col!! | HimiloNetwork

Gaajadu waa Col!!

images (2)images (3)
Qalinkii; Zakariya Hassan.
Innagu waynu gaajoonna; hase ahaatee, waynu ognahay waqtiga aynu wax cuni karno. Balse iyagu way gaajoodaan; hayeeshe, ma oga waqtiga ay wax cuni doonaan!!
Waynu nasiib badannahay. Waxaynu heli karnaa wax ka badan waxaynu u baahannahay.
Waxaa jira waxaabo badan oo indhaheenu qabtaan maalin kasta; in yar ayaase qalbigeenna ku dhacda oo mahadho ku reebta!!
Hayeeshe, bal dhugo qormadan oo noo sheeg inaad xaq-darro tirsanayso wali iyo in xaq walaalkaa uu kaa mudnaa aad ogaal la’aan iska heysato!!
Waa Cali-qaawane. Waa daleel iyo darbi jiif. Dhulkuu gogladaa cirkuu huwadaa. Waa gaban wakhtigu haraatiyay. Waa ubax inta wax uu dheefsado waayay iska dhaday!!
Waa kula Bani’aadan. Hadana, hilib iyo harag toona malahan. Feerihiisa debedda ayaa laga tirin karaa oo saanta ayay hoosta kasoo gujinayaan. Jirkiisu wuu guray oo laf iyo seedo isa-suran ayaa kasoo haray. Dhafoorkaa godan; bogga iyo beerkaa isku dhagay oo macluul darteed ayay dhaguhu la dheer yihiin!!
Waa kula daris. Qadaa ma dharge! Waa silic ku nool dadka soocan ka ah oo gaajadu u sahay tahay. Cidse ma tuugsado oo marna gacanta ma hoorsado. Meelaha ayuu miraafaa. Tuug ma ahan, saa tabarteeda malahan. Wixii dagan uu arkose ma dhaafo. Waa waaya’arag intiisa ku gun ah. Habeenka iyo maalinka is-dabamara ayaa wax baray.
Waa danley.. inuu xoogsado had iyo jeer waa u heegan; taag la’aan ayaase meel xil leh dhigtay. Kuwa dhargay ee ay u gaartay ayuu inta badan baabuurta u tirtiraa. Kolkaasay wax aan waxba u goynin oo aan ri’ guran naaskeeda laga dhiijin bilaalana caddeyn oo “hoo-oo-ku-go” ah usoo taagaan.
Waa muwaadin arradan. Waa Soomaali jira oo dadkiisa dhex-jooga. Kolka aad adiga oo dharagsan oo xarago dhacleynaya suuqa usoo dhaadhacdo; isagu wuu ku arkaa; ku dhaataa; dhab kuu fiirsadaa; adiguse ma aad aragtid oo inuu jiro iyo in kale makala ogid. Isaga oo shanta dhigaya oo jirqin yar oo hun ahi dhexda uga maran yahay ayaad meelaha isku dhaaftaan. Adigaase mooge, isagu wuu ku eegtaa!!
Waa sanku-neefle. Waa noole, misana jiritaankiisu tiran yahay. Waayaha ayaa takooray oo tiir adag ku xiray oo waa tuke baal-cad. Hadal iyo dhamaantiis, gaajada dhibteeda iyo dhaxanta ayuu ku nool yahay. Waa Soomaali. Adiga ayuu ku sugaa; aniguu i sugayaa; anaguu na sugayaa; Cidna inoogama sokeyso!!
Xigasho—buugga Afka iyo Suugaanta/ Dugsiga Dhexe/Fasalka 7aad.
74739_448560855241981_1382745585_n images (1)
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!