crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 10-ka dal ee ugu sarreeya Qaxwada Dunida!! | HimiloNetwork

10-ka dal ee ugu sarreeya Qaxwada Dunida!!

Qeybtii 1aad;

Qalinkii; Zakariya Hassan.

Halka jidka aad maraysaba laga yaabo inaad ku aragto tiro ka badan labo goobood lagu shaaho ah, ashqaraar kuguma dhalinayso in Qaxwada/bunka kamid tahay tobanka shey ee ugu sarreysa quudka maalinlaha ah ee dunida maanta.

Soo galista booska saddexaad kadib biyaha iyo shaaha, dalagga qaxwadu wuxuu dunida ka joogaa meel sare. Toban dal ugu soo saarista badan qaxwada –oo ay middiiba malyuun kilogaram dalag qaxwo ah soo saarto—waxay hela waddadooda gacmaha quudato u jeel-qabta wax soo saarkooda.

Ku xigista saliida “oil”, qaxwadu waa dalagga labaad ee dunida loogu ganacsiga badan yahay iyada oo nus-tiriliyoon koobab qaxwo sanadkiiba la cabo. Kaliya inan loo isticmaalin hab-shaaheed, qaxwadu waxay boos ku yeelatay wax soo saarka dareerayaasha qaar sida; dawooleyda, koolada iyo agabyada la isku qurxiyo.

Himilonews.com ayaa hadaba idin kugu soo gudbinaysa 10-ka dal ee dunida ugu sarreysa qaxwo-beerista sahan ay sameysay Ururka Qaxwada Aduunka ee shaxda beeriseed ee 2014 taas oo muujisay tobankii dal ee ugu beerista badan qaxwada.

  1. Brazil—waa dal dhaca koofur Ameerica. Waana dalka ugu weyn koofurta Ameerika. Caasimaddisu waa Brasilia.
  2. Vietnam—waa dal dhaca galbeedka Aasiya. Wuxuu ahaa dal ay kala qeybsadeen awoodihiisa Warso iyo NATO balse kol danbe dib u midoobay. Caasimadiisu waa Hanoi.
  3. Colombia—waa dal dhaca koofur Ameerika. Caassimaddiisu waa Bogota.
  4. Induniisiya—waa dalka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan ee dunida. Wuxuu dhacaa Aasiya. Caasimaddiisu waa Jakarta.
  5. Itoobiya—waa dal dhaca bariga Afrika. Waa dalka labaad ee aan gumeysi ku dhicin Liberia kadib. Caasimaddiisu waa Adis-ababa.

    La soco qeybta xigta….

    coffee-roasted-traditional-ethiopia coffee-map gree-red-coffee-beans-on-tree-honduras

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!