Qeybtii labaad;
-
Hindiya—waa dal dhaca Aasiya. Waa dal, sida Soomaaliya, kasiman magacyada daleed, dadeed, diimeed iyo afeed, waloow diinteenna magaceedu yahay Islaam; huwiyadeenuna tahay Muslim. Hindu ma ahan oo kaliya diinta lagaga dhaqmo Hindiya. Waxaa jira Islaamka oo ah diinta labaad ee Hindiya lagaga dhaqmo, Sikhism, Budha iyo Kiristaan. Caasimaddu waa New Delhi.
-
Honduras—waa dal dhaca koofur Ameerika. Caasimaddiisu waa Tegagucilpa.
-
Mexico—waa dal dhaca waqooyiga Amerika. Caasimaddiisu waa Mexico City. Wuxuu olog la yahay Maraykanka.
-
Uganda—waa dal dhaca bariga Afrika. Caasimaddiisu waa Kampala.
-
Guatemala—waa dal dhaca koofur Ameerica. Caasimadiisu waa isla    Guatemala.

