crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maqaayad Pizza bilaash ah siinaysa Qofkii iska xira Moobilka inta uu la joogo! | HimiloNetwork

Maqaayad Pizza bilaash ah siinaysa Qofkii iska xira Moobilka inta uu la joogo!

MUQDISHO (HN) — Isticmaalka moobillada caaqilka ah waxay noqdeen kuwo si xad-dhaaf ah loogu xirnaado. Si taas loola tacaalo, maqaayado badan ayaa macmiishooda caadeystay isticmaalka moobilka waxay ugu deeqayaan fursad kale – inay in yar ka nastaan ku xirnaanshiyihiisa si ay asxaabta la fadhisa ula sheekeystaan.


Maqaayad ku taalla California ayaa qaadaysa tallaab qiimo dhismis ah oo loogu yeeray ‘Ha lawada sheekeysto‘ si is-dhexgal dhab ah ay u sameeyaan macmiisha wada fadhisa ardaaga maqaayadda. Taas waxaa dhinac socta in qofku helo sabaayad ‘pizza’ bilaash ah. Shardiga kaliya oo looga baahan yahay ayaa ah inuu ka joogsado isticmaalka moobilka muddada uu ku sugan yahay maqaayadda.

Qiima dhimistu waxay kaliya suura-gal u tahay wixii ka badan afar qofood oo mar qura wada socda kuwaas oo isticmaalaya moobil. Haddii ay kasoo baxaan shardiga laga rabo, qof walba oo kamid ah wuxuu helayaa sabaayad lacag la’aan ah marka danbe oo ay soo booqdana maqaayadda. Haddii ay baahi u qabin deeqda abaalmarinta ah, waxay xaq u leeyihiin inay ku yaboohaan darbi-jiifta.

“Hadafkeennu wuxuu yahay inaan aragno qoysaska iyo saaxiibada oo inta yar oo ay cunnada u fadhiyaan iska dhaafa isticmaalka moobilka,” ayuu u dhignaa war qoraal oo barta Shirkadda Curry Pizza lasoo dhigay.

“Waxaan rabnaa inaan abuurno is-dhexgalka dhabta ah ee bulshada, si looga kaaftoomo ku xirnaanshiyaha xad-dhaafka ah ee moobillada.”

Varinder Malhi oo ah helaha Shirkadda ayaa sheegay in qof walba uu awoodi karo inuu ku guuleysto abaal-marinta.

Dadku marka ay ka yar yihiin afar qofood tiro ahaan, waxaa dabiici ah inay u wada hadli karaan si fudud. Malhi wuxuu sheegay inay dhiirri-gelinayaan tiro intaas ka badan oo mar qura si xurnimo leh uga hari kara adeegsiga moobilada.

Qofku marka ugu horreysa oo uu soo galayo ilinka hore ee ardaaga maqaayadda ayuu iska daminayaa moobilka kahor inta uusan u fariisan dalabka loogu maqan yahay.

Saddex toddobaad kahor ayaa la bilaabay mashruucan, waxaana muuqata in ilaa iyo hadda dad gaaraya 50 qof ay heleen abaal-marinta.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!