crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maqaayad – si aadan lacagta ugala cararin – kugu kor xiraysa kursiga aad ku fadhiisato. | HimiloNetwork

Maqaayad – si aadan lacagta ugala cararin – kugu kor xiraysa kursiga aad ku fadhiisato.

MUQDISHO (HN) — Sawirada muhaajir Venezuela u dhashay kaas oo lagu silsiladeeyey kursiga maqaayad uu cunno kasoo raadsaday – si aanu ula baxsan lacagta lagu leeyahay – ayaa ku baahday baraha bulshada.


Waxayna abuurtay dood la isku maan-dhaafay.

Sawiradan waxaa markii hore bartiisa soo dhigay weriye u dhashay dalka Venezuela kaas oo wax u qora La Patilla. Si kastaba, walow warbixinta uu ka qoray sheekada weli laga heli karo barteeda website-ka, waxaa gebi ahaanba laga masaxay bartiisa twitter-ka.

Sida lagu soo warramayo, weriye Luiz Martinez ayaa sawirrada ka helay qof horay uga soo tagay Peru oo kusoo laabtay dalkiisa Venezuela.

Qoraal uu sso raaciyay sawiradda ayuu ku sheegay in humaaga qofka ka muuqda sawirka uu yahay isla ruuxa qaaday kaas oo markii uu ka war helay dhaqanka ka jira maqaayadda iskiis u diiwaan-geliyay dhacdada.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!