crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidkii ugu horreeyey Athens oo laba Qarni kaddib furmaya. | HimiloNetwork

Masjidkii ugu horreeyey Athens oo laba Qarni kaddib furmaya.

MUQDISHO (HN) — 180 sanno kaddib, Masjidkii ugu horreeyey oo laga dhiso caasimadda Athens ee Giriiga ayaa dhawaan la daah-furi doonaa, sida laga soo xigtay al-Jazeera.


Wasiirka Wax-barashada Kostas ayaa sheegay in bisha September wixii ka danbeeya si rasmi ah loogu tukan doono gudaha Masjidka.

Mashruuca lagu dhisay Masjidka waxaa lagu bixiyay adduun dhan 850,000 oo lacag Euro ah. Saddex sanno kahor ayuu barlamaanka Giriigu ansax ka dhigay in Masjid laga dhisi karo gudaha caasimadda Athens.

Masjidka ku yaalla Votanikos ayaa ahaa midka isaga oo aan laheyn minaarado lagu dhex tukado. Balse hadda kaddib wuxuu noqonayaa Masjidka sida rasmiga ah uga jira caasimadda Giriiga.

Soo-galooti Muslimiin ah oo kumaankun ka badan ayaa ku nool gudaha Athens.

Doodda la xiriirta baahida loo qabo dhismaha Masjid ay yeelato caasimadda Athens ayaa soo bilaabatay toban sanno kahor.

Waxaana ay aheyd magaalada kaliya eoo Yurub kamid ah taas oo aan laheyn Masjid rasmi ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!