crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 10-sano jir Qur’aanka xifdiyay gudaha dalka Bosnia-Herzegovina | HimiloNetwork

10-sano jir Qur’aanka xifdiyay gudaha dalka Bosnia-Herzegovina

Sarajevo (Himilonews) – Wiil toban sano jir ah ayaa noqday qofkii ugu yaraa  dalka Bosnia-Herzegovina kaas oo laabta ka xifdiya Qur’aanka kariimka ah—isaga oo ku deeqaya door muuqda dhalinyarada Muslimiinta ah ee caalamka ku nool.
“Wiilkayga Abdiraxman wuxuu carbiska ku qaatay si fudud inuu Qur’aanka ku qeybo,” Aabaha wiilka, Hamzaliya Tabakovic ayaa u sheegay World Bulletin.
Wiilka da’da yar ee Abdiraxman wuxuu xifdinta Qur’aanka bilaabay saddex sano kahor.
Xaqiiqsiga tayada wiilkiisa ee xifdinta Qur’aanka, aabaha hal-faanaya ee Hamzaliya wuxuu wiilkiisa ka diiwaan-galiyay xarun carbis Qur’aaneed ah.
In lagu guuleysto heerka sare, Abdiraxman wuxuu yiri; qof walba waa inuu isku darbo sameynta naf-hurnimo xad-dhaaf ah suu u noqdo Xaafidul-Qur’aan.
“Waxay qaadataa naf-hurnimo qof inuu dusha ka qeybo Qur’aanka. Waxaan qaatay waqti adag inaan ku qeybo,” ayuu yiri Abdiraxman.
Tabakovic, kaas oo wali ku jira heerka hoose ee dugsiga, wuxuu sheegay inuu sii anba-qaadayo horumarinta tacliintiisa ee barashada diinta mustqabalka soo socda.
In labaro caruurta Qur’aanka iyo qeybaha aasaasiga ah ee diinta Islaamka, waa mas’uuliyad saaran waalidiinta bilowga noloshooda taas oo ah xilli ugu fiican ee la xifdisiin karo akhlaaqda Islaamka.
Xifdinta Qur’aanka waa qaababka ugu muhiimsan ee lagu haysimo fariinta Eebe. Halka in buugaag Islaami ah la daabaco kadibna la faafiyo ay iyaguna muhiimadooda leeyihiin.
Nabi Muxumad NNKH wuxuu yiri: “<Kiina idin kugu fiican waa Kan Qur’aanka barta kadibna umadda bara>” Waxaa weriyay Cusmaan Binu Cafaan.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!