Somali women offload the catch of the day from fishermen, at the Bossaso harbour in Puntland, Somalia, Thursday, 29 Jan, 2015 Somali American actor, Barkhad Abdi left Somalia when he was seven years old and returned for the first time for a visit to the country as an Adeso Goodwill Ambassador.In the 23 years since Somalia defended into civil war, the country's waters have been exploited by illegal fisheries, and the economic infrastructure that once provided jobs ravaged.Too often, there was simply no way for young men with limited educations to provide for themselves or their families , and many turned to piracy. Although piracy has decreased in recent years, unless young men in Somalia are provided with appealing livelihood opportunities , there is a chance that they could revert back to piracy. ADESO/ KAREL PRINSLOO.
Kalluumaysiga sharci-darrada iyo rogaal-celiska Burcad-badeedda
Posted by: Zakariya
in Wararka
October 7, 2015
945 Views
Durduri, Soomaaliya – Boqol sano kahor, halkani waxay ahayd dakad mashquul badan taas oo ay adeegsadaan bulshada kalluumaysiga u geyfan ee ku nool dhererka xeebta Soomaaliya oo ah midda ugu dheer dhul-weynaha engegan ee Afrika.
Hadda, Durduri waa meel ay cadceeddu dishay iyo kob dabayshu xaaqday. Mana jirto wax marso ah. Gubadka iyo engega guryaha waa raad kusii idlaanaya haraadiga daxallada.
Tani waa mid kamid ah magaalo-xeebeedyada taariikhda ganacsi leh taas oo la kowsatay lana kuftay xukunno badan oo salaadiin ah. Markii isku-xirka ganacsigii mashquulka ahaa uu libdhay, kalluumaysigu wuxuu ahaa inta yar ee nolol-maalmeedka ku haray.
-Waxay qaateen wax walba-
Axmed Maxamed Cali wuxuu, isaga oo niyad-jabsan, ku huleelaa dhererka xeebta magaalada Durduri oo ah magaalo 100-km galbeed ka xigta magaalada Boosaaso ee maamulka goboleedka Puntland.
Cali wuxuu sheegay in lagu qabsay inuu joojiyo kalluumaysiga—taas oo ah shaqada kaliya ee uu waligiisba yiqiin kadib kolkii maraakiib shisheeye ah iyaga oo habeen badda ka jilaabanaya ay qasaaro soo gaarsiiyeen.
“Wuxuu ahaa markab weyn. Waxaynu kala baxsanay nolosheenna. Haddii kale waynu le’an laheyn,” Axmed, oo 27-jir ah, ayaa u sheegay Al-Jazeera.
“Shixnado shisheeye oo waaweyn ayaa habeenkii yimaada iyaga oo wax walba qaata,” ayuu yiri isaga oo si caraysan gunta badda farta ku fiiqaya. “Sidashada hubkooda casriga ah, wax walba ayay ku qaateen. Wax noo haray malahan.”
Kalluumaysatada Soomaalida ah malahan awoodda ay ku qaabilaan maraakiibta shisheeye. “Anagu qoryo ma qaadano; xittaa mahaysano wax hub ah,” ayuu yiri.
Eedaymaha Cali waxaa xoojinaya laba raad-gallo ah oo ay soo saareen Hey’adda Horumarinta Soomaaliya kuwaas oo tilmaamay in- Maraakiibta Kalluumaysiga Caalamiga ah; gaar ahaan Iran iyo Yemen, hayeeshe sidoo kale kuwa reer Yurub oo ay ku jiraan Spanish-ka-ay kalluumaysi ballaaran oo baaxad-leh si sharci-darro ah ugu dhacayaan kheyraadka ku dihan dalka dhaca bariga Afrika ee Soomaaliya.
-Dhaxalka Burcad-badeedda-
Soomaalidu waxay sheegayaan kalluumaysiga sharci-darrada ah inuu ku qasbay inay burcad-badeed noqdaan 10-sano kahor si ay u dhimaan dhaca ku socda kheyraadkooda.
“Waynu ka dhiidhinay. Waxaana badda u qaadanay qoryo,” ayuu yiri kalluumayste reer Boosaaso ah oo Maxamed Aadan Axmed lagu magacaabo.
Burcad-badeeddu waxay hakiyeen kalluumaysiga sharci-darrada ah hayeeshe caddeymaha lahayo ayaa tilmaamaya inay tani kaliya ahayd joogsi. Hadda oo xoogaga caalamiga ee ka dhanka ah burcad-badeedda ay howl-galayaan, maraakiibta sida sharci-darrada ah u kalluumaysata ayaa soo laabtay.
Sanadkii 2014, boqolkiiba 86% kalluumaysatada Soomaalida ah waxay calaamadeeyeen maraakiib kalluumaysiga shisheeye ah oo xeebta ka jilaabanaya, marka loo eego warbixin ay soo saartay International Charity Adeso, kaas oo muddo lix-bilood ah ururinayay wareysiyo iyo caddeymo ku saabsan kalluumaysiga.
Bidhaantoodu waxay ahayd si joogto kuwo loo arko gudaha Puntland iyo wax ka badan laba-jibbaar shantii sano ee ugu danbeysay, marka loo eego warbixinta ay soo saartay IUU.
Dhaca ku socda kalluumaysiga Soomaaliya wuxuu soo bilowday sanadkii 1990 sida ay sheegayso Halima Isman oo tilmaantay inay ahayd haweeneyda kaliya ee gudaha Durduri ka kalluumaysan jirtay.
Iyada oo dagan xaafadaha cusub ee kasoo baxsan dakadii hore ee Durduri, waxay Al-Jazeera u sheegtay in maraakiib waaweyn ay caqabad ku noqdeen jillaabashadooda. “Waxay ahayd wax maanku diido inaad biyaha la dhinac qeybsato oo aad dhankaada ka jillaabato.”
Qoyskeedu waxay asal-ahaan ahaayeen xoolo-dhaqato, hayeeshe, sida badi Soomaalida, waxay duunyadeedii ku waysay abaaro ku dhuftay geyiga. Sidaas ayay ku timid xeebaha si ay nolol cusub uga sameyso. Isman waxaa guursaday nin kalluumaysato ah sanadkii 1987-kii wuxuuna baray sida loo kalluumaysto oo loo dayac-tiro shabaqyada—loona engejiyo jillaab maalinka.
-Qofna miyuu caawin lahaa?-
Caqabadaha horyaalla siyaasadeynta biyaha Soomaaliya waa dhowr. Labada boqol ee Nautical-Mile ee ah goob xeyndaab dhaqaaleed xiran, waxay ka dhigan tahay 830,390 square km- taas oo dhulkeeda barriga ah wax badan ka weyn.
Korneel Mohamed Cali Haashi wuxuu sheegay inay jiraan da’yar deeq la’aan ku how-gala kuwaas oo loo xiray dhar mida oo xeebaha ilaaliya. Wuxuuse ka deyrinayaa inaanay gacantooda ku jirin dooman xawaareeya iyo hub casri ah oo ay ku howl-galaan.
“Haddaysan dowladdu ii sharciyeyneyn la-dagaalanka kalluumaysiga sharci-darrada ah, ma awoodo,” ayuu yiri. “Maadama ay NATO halkan joogtay, falalka Burcaddu way is-dhimeen. Hayeeshe, kalluumaysiga sharci-darrada ah wuu kordhay. NATO iyo EU midna waligood nama caawin; waligood gacan nama siinin.”
Robert Mazurek, oo agaasime ka ah Hey’adda badbaadada Kalluumaysiga oo la hadlayay Al-Jazeera wuxuu sheegay in beesha caalamku ay dadaal yar ku bixiyeen ka hortagga kalluumaysiga sharci-darrada ah ee biyaha Soomaaliya.
Weydiisiga NATO inay ka fal-celiso eedeymaha waxay ku war-celiyeen: “Falalka lagu joojinayo kalluumaysiga sharci-darrada ah wuxuu jabinayaa taxanaha socda iyo awoodaha howl-galka.” Sidaas darteed, maxaa Soomaalida horyaalla si ay biyahooda uga ilaashadaan falalka sharci-darrada ah ee lagu wado xeebahooda?!
Dadka gudaha ku nool sida Cali waxay rumeysan yihiin in hoggaanka Soomaalida ay qaataan mas’uuliyadooda.
“Waxaynu leenahay dowlad. Balse way itaal-yar tahay,” ayuu yiri. “Dowlad xoog leh oo biyaheenna ilaalisa waxay noqon laheyd xalka loo baahan yahay. Mana jirto waddo kale.”
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Related
2015-10-07
You must log in to post a comment.