crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> MAQAAL: Rabba igu jecel runtee, rugbay ahayd Carwadu! | HimiloNetwork

MAQAAL: Rabba igu jecel runtee, rugbay ahayd Carwadu!

Muqdisho – Rabba igu jecel runtee, rugbay ahayd Carwadu. Waxa aan ku bilaabahayaa bisinka Eebbe; shaydaan ha baygagee. Waxa mahad idaylkeed ay u sugnaatay Allaha weyn ee ina baray qalinka iyo qoraalka; ina siiyay maan iyo maskax aynnu isku hagno; ee Ina baray wax aynnaan aqoon.
Farxad iyo guul weyn ayaa ay aniga ii tahay, carwadii caalamiga ahayd ee Muqdisho lagu qabtay 26-kii Agoosto, faalo kooban in aan ka qoro. Sanadkii kowaad, ee sooyaalka noloshayda, ayaa Muqdisho lagu qabtay bandhig buugaageed caalami ah; oo qorayaal Soomaaliyeed oo kala gedo iyo da’aad duwani ku soo bandhigeen wax- -soo-saarkooda maskaxeed.
Xaqiiqdii, Dad badan waxa ay ku noqotay layaab! Qaar na waxa ay ba u haysteen riyo iyo mala’awaal! Kumannaan kale waxa ay ba sawiran la’aayeen ujeedka iyo magaca “Carwo buugaageed”!!! Layaab ma ahayn in ay ku diimaan. Labiyo labaatan sanno oo qax, qarax iyo qaxooti ay ku jireen, waxa ay ahayd waxa keliya ee ay ku indha qabowsadeen reer Muqdisho.
Maalmihii macaanaa ee ay socotay carwadu, madasha barnaamijku ka socday si isdabajoog ah waxa u soo buux dhaafinayay dhallinyaro; runtii, farxad aan cidi qiyaasi karin wajiyadooda aad ka dheehanayso. Aad ayaa ay u la dhacsanaayeen carwada. Oo imaatinkooda ka hor wax kale ayaa ay uga dhignayd. Waxa kale oo ay dhaayahaygu qabanayeen, aqoon yahanno Soomaali ah oo ku sugnaa madasha, oo farxad ay ku faraxsan yihiin dhacdadan lama ilaawaanka ah aad ka dheehanayso wajiyadooda. Waxa goobta ku sugnaa marti sharaf meelo kala duwan oo dunida dacaladeeda ah laga soo casuumay.
Waxa ay ahayd madal qalinley Soomaaliyeed oo mar uun qalbiga ku hayay in ay kulmaan isu keentay, oo is barasho heer sare ah ka dib si fiican u wada sheekaystay. Waxa iyagu na i cajab geliyay dhallinyarada faraha badan ee wiilal iyo gabdho leh, ee halkaa isugu soo baxay, oo weli ba dhiibanayay afkaaro aad ii qiiro geliyay. Waxaa ka mid ahayd qoraa, Sucdi Daahir Diiriye, oo weyddiin qalbigayga lulaysay weyddiisay madaxweyne, Xasan Shiikh. “Jaale madaxweyne, ma laga yaabaa in aad buugaagta iibintooda gacan ka gaysataan, si loo dhigo maktabadaha jaamacadaha, si ay uga faa’iidaystaan dad jecel in ay hadda iibsadaan; laakiin, aan awoodi karin?” Waxaa kale oo niyaddayda ku soo noqnoqonaysay, ilaa maanta aan maankayga ka bixin, aabbe Soomaaliyeed oo soo kaxeeyay labo carruura oo uu isagu dhalay. Mid dusha ayaa uu ku xambaarsanaa. Halka kan kale na uu gacanta ku hayay. Sidoo kale, waxa aan arkayay gabadh shan ilaa lix sanno da’deeda ku qiyaasay, oo aad uga heshay isla markaanna iibsatay buugaagta sheeko carruureedda ee sawirradu ku xardhan yihiin.
Gebagebadii, dhacdada Muqdisho ka dhacday waxa ay lee dahay macnayaal muhiim ah. Marka kowaad, waxa ay muujinaysaa heerka isbeddel ee dhaqan iyo fikir, iyo nabad iyo ilbaxnimo ee caasimadda ka jirta. Marka labaad, waxa ay bixinaysaa nal ilayskiisu xoogganayn oo rejo ah, kaa oo in badan oo Soomaalida ah laab qaboojis iyo niyad deganaan ka heli doonaan. Gunaanadkii, waa madal rejo iyo niyo ku kulmisay qorayaal, hal-abuurro, saxafiyiin, farshaxan yahanno, siyaasiyiin ikk. Waxa aan rejaynahayaa tan teeda kale caafimaadqab in aan kaga qayb galo.
=W/Q: Warsame Cumar Xuseen(Shiidleey). = Email: Shiidleey12@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!