Markuu Jaceylku ka awood badiyo Lacagta!
Posted by: Zakariya
in Wararka
October 6, 2015
869 Views
Muqdisho (Himilonews) – Wiil sabool ah ayaa wuxuu jeclaa gabar uu dhalay nin tanaad ah. Maalin maalmaha kamid ah ayuu wiilkii u ban-dhigtay gabadha jaceylkiisa, waxayna ku tiri; “Dhageyso lacagta mushaharkaagu waa wax maalin qura aan ku maareeyo dukaamaysigayga. Sidee ayaan marka kuula jaan-qaadi karaa? Sideed ugu fikirtay sidaas? Kuma jeclaan karo waligay. Marka iska kay ilow lana anba-qaad heerkaaga.”
Hayeeshe, wiilka saboolka ah sinnaba uma hilmaami karin jaceylkiisa. Goor laga yimid 10-sano dabadeed, wiilkii saboolka ahaa iyo inantii uu jeclaa waxay isku dhinac arkeen suuq caalami ah dhexdiisa.
Gabadhii ayaa mar labaad ku tiri; “Alla! Ma adiga! Sidee tahay? Hadda waan guursaday mana ogtahay in seygeygu uu bishii ku shaqeeyo 15,700$ bishiiba! Mala baratami kartaa? Xittaa sidoo kale aad buu u jalaqsan yahay.
Wiilkii indhihiisu waxay la qoyeen oohin mar labaad maqalka warkan uu ka maqlay isla inantii!
Ilbiriqsiyo kadib, seygeedii ayaa yimid hayeeshe kahor intaanay afadiisu hadlin ayuu xaaskiisa ku hor yiri; “Mudane, halkan ayaad joogtaa. Waliba adiga oo la kulmay xaaskayga.” Kadibna wuxuu ku yiri xaaskiisa, “Kani waa mudanahayga. Waxaan kale oon kamid ahay shaqaalihiisa ka shaqeynaya mashruuciisa ku kacaya boqolka bilyan!”
“Si dhab ah wax ma uga ogtahay Mudanahayga? Mudanahaygu wuxuu jeclaa gabar hayeeshe kuma guuleysan qalbigeeda. Waana taas sababta uu jeer iyo waagaas wali u guursan la’yahay.”
“Alla maxay nasiib badnaan laheyd gabadhaas haddii uu Mudanahayga guursan lahaa? Beryahan, yaa sidaas xad dhaafka ah wax u jeclaan kara?” ayuu ku yiri xaaskiisa.
__________________________________________________
Noloshu waa in gaaban. Waana sida Billadaye. Waxaad kaliya ku arki kartaa wixii kugu soo beegma. Marka haku kibir badnaanin hana ugu faanin dadka kaa hooseeya kor ahaantaada adiga oo ku liidaya marxaladda ay ku sugan yihiin.
Arrimuhu sida cimilada ayay isku bad-badalaan. Haku hoos dhigin dadka dhabaha ay nolosha kaga socdaan waayo qof walba wuxuu leeyahay mustaqabal iftiimaya.
Meel shalay lagaa dheereeyey, berrito ayaa laguugu soo dhaweyn doonaa, insha Allah.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com.
Related
2015-10-06
You must log in to post a comment.