crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> “Tareen ayaa iga maray lug iyo gacan.” — Sheekada Amos Boniface. | HimiloNetwork

“Tareen ayaa iga maray lug iyo gacan.” — Sheekada Amos Boniface.

MUQDISHO (HN) — Weligaa haka shakinin awoodda qarsoon ee dadka naafada ah. Taas waa farriin kaaga imaanaysa da’yar ku nool dalka Tanzania. Waayo sida aad u jeedaan, wuxuu awoodi karaa inuu dabaasho; bajaaj ama baabuur midkii ay tahay uu kaxeeyo ama uu dheelo kubadda miiska ee usha iyo ukumaha lagu dheelo. Mararka qaarna wuxuu dheeli karaa kubadda cagta. Waxaa intaas u dheer inuu yahay tababbare dadka aan naafada ahayn bara sida loogu dabaasho – berkad iyo bad tii ay noqotaba.

Haddiise aadan weli la cajabin intaas oo dhan, ogsoonow mararka qaarna inuu yahay atoore ama jilaa filim-sameeye ah.

Amos Boniface waa aabbe saddex carruur ah leh iyo ku guuleystaha dhowr billadood oo isugu jira qalin iyo maar oo uu ku hantiyay aqoonta fiican oo uu u yeeshay cayaarta miiska.

Noloshiisa caadiga ahse, waxa qaabeeya waa xirfaddiisa darawalnimada. Waa bajaajle ku shaqeysta mooto uu isagu leeyahay maalinta inta ugu badan. Mararka qaarna, wuxuu joogaa berkadda dabaasha iyo dabcan naadiga lagu cayaaro kubadda miiska.

Muddo dheer oo uu kusoo jiray xirfadahani waxay u sahleen ku guuleysiga billado kala duwan oo uu ka hantay xaggooda.

Waxaase laga yaabaa intaas oo dhan kaddib inaad is weydiiso waxa lug iyo gacan isku dhinac ah ka jaray?

Waa xaqiiq kale oo qaraar badan, balse Amos Boniface wuxuu ka badbaaday shil tareen oo aan caadi ahayn.

Subax kamid ah subaxyadii uu ilmaha asaagiisa la bixi jiray si ay usoo cayaaraan, maanu fileyn inuu kasoo noqon doono isaga oo naafo ah. Caado waxaa u ahayd in biraha tareenka ay ku cayaaraan. Laakiin aroortaas, waxay la ahayd inuusan tareenku soo dhawayn – sidaas darteed ay iska sii wataan cayaarta.

Markii tareenku uu, si kastaba, kusoo dhawaaday Boniface waxaa lugta uga dhagtay biraha tareenka. Mana aanu awoodi Karin inuu halhaleel ugala baxo. Wadayaasha tareenkuna ma lahayn doorasho kale oo aan ka ahayn inay dul mariyaan sheegaga tareenka.

Dadaalkii uu ku doonayay inuu gacantiisa u adeegsado lugtiisa ku dhagan birta iyo waxaa isla kulmay xawaare socodkii tareenka. Halkaas ayuuna mar kaliya lug iyo gacan dhinac ah uu ku waayay.

Wuxuu ahaa 9 jir waqtigaas. Sannadkuna wuxuu ahaa 1994-kii. Xal kale oo aan ka ahayn in la gooyo uma harsaneyn Boniface. Jeer iyo waagaas ayuuna yahay naafo lug iyo gacan la’.

Laakiin muddo dheer oo gaaraysa 7 sannadood ayuu ku jiray isbitaalka. Waqtigaasna ma helin fursadda ah inuu wax-barto; la cayaaro asxaabtiisa ama uu geeddiga nolosha wax ka kororsado.

Laakiin tagto walba waxaa ka badan timaado. Waana midda uu fahamsanaa Boniface uu soo kabashadiisa kaddib ku dadaalay inuu bog cusub u furo noloshiisa. Wuxuuna karaankiisa ku fara-adeygay inuu qaabeeyo masiirka noloshiisa.

La-qabsiga sida wax loogu qabsado lug iyo gacan qura waxay ahayd caqabadda ugu adag oo uu kasoo gudbay. Gabagabadii, laakiin, wuxuu maareeyey wax badan ka badan itaal socod iyo hal-gacan kaalmeysi.

Maanta waa aabbe doonaya inuu horumariyo nolosha ubadkiisa. Waxaana ka go’an inuu tacab muuqda geliyo.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: Zakihiraale@himilonetwork.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!