HomeLa-yaabkaNin cabsan oo Jajabiyay Baabuur qaali ah!

Nin cabsan oo Jajabiyay Baabuur qaali ah!

MUQDISHO (HN) — 24 jir u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu riday xukun ah inuu bixiyo lacag dhan $150,000 si loogu dayactiro waxyeelooyin uu u geystay gawaari nuuca raaxada ah xilli uu cabsanaa.

Muuqaallada CCTV ayaa muujiyay ninkan oo kasoo baxaya baar qamriga lagu iibiyo kadibna laad iyo gacanba isugu daraya gawaari ku baakiman baarka hortiisa kuwaas oo ahaa kuwa qaaliga ah. Waxaana ku jira baabuurtaas Lamborghini iyo labo nuuc oo ah Rolls Royces kuwaas oo haddii dib loo dayactir maago ay ku baxayso lacag dhan $150,000.

Warbaahinta Shiinaha ayaa ku warramaysa in markii ninkani uu soo miyirsaday uu aroortii xigtay isku dhiibay saldhigga booliska degmada lana xiray. Macadda haddii uu xabsi mudan doono, balse waxay u badan tahay in laga rabo bixinta qaanta lagu yeeshay.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments