HomeDunida MuslimkaLaacibka Kubadda Kolayga oo qaatay Diinta Islaamka.

Laacibka Kubadda Kolayga oo qaatay Diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Laacibkii hore ee kubadda basketball-ka, Stephen Jackson ayaa qaatay diinta Islaamka, isaga oo ku biiriya ruugcadaaga kale ee kala tirsan ciyaartaas kuwaas oo kamid noqday diinta ugu faafitaanka badan caalamka.

Muuqaal loogu qabanayo shahaahada oo dhacay 6 Bishii Janaayo ee sannadkan ayuu soo dhigay bartiisa.

42 jirkan howlgabka ka noqday cayaaraha ayaa ka fariistay sannadkii 2015-ka kaddib 14 sano oo uu usoo ciyaaray National Basketball Association (NBA).

Wuxuu ku guuleystay NBA championship sannadkii 2003.

Go’aankiisa la xiriira qaadashada diinta Islaamka waxaa si weyn usoo dhaweeyey saaxiibadiisa iyo taageerayaashiisa.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments