crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ardayda Kenya oo dib ugu laabanaya dugsiyada | HimiloNetwork

Ardayda Kenya oo dib ugu laabanaya dugsiyada

Muqdisho – Malaayiin arday Kiinyaati ah ayaa dib-ugu laabanaya dugsiyada kadib markii Ururka Barayaasha Kenya ay hakad geliyeen ban-baxii shanta toddobaad oo ay kaga cabanayeen mushaar yarida.
Ururka ayaa sheegay inay ka dhur-sugayaan go’aanka maxkamadda kaas oo muddo 90-cishood gudahood u balan-qaaday in cabashadooda lagu xalin doono.
Jah-wareerkan ayaa ka dhashay kadib markii maxkamadda sare ee Kenya ay macalimiinta u amartay in mushahar kordhin loo sameeyo taas oo dowladda Kenya ay sheegtay inay ku adag tahay bixinteeda. Shaqo-joojinta ayaa sababtay inay xirmaan dhamaan dugsiyada dowladda.
Arday ka badan hal milyuun–kuwaas oo u fariisan doona imtixaanka shahaadiga ah–ayaa loo oggolaaday inay dugsiyada fariistaan, hayeeshe wax-barasho kale meyn socon.
Dugsiyada gaarka loo leeyahay ayaa iyagana la faray inay xiraan, hayeeshe waxay ka biya-diideen faraalka. Waxaana loo oggolaaday inay waxbarashadooda sii wataan.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!