crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweenka Malaysia oo doorbidaya Xijaabka casriga ah | HimiloNetwork

Haweenka Malaysia oo doorbidaya Xijaabka casriga ah

Kuala Lumpur (Himilonews) – Tiiyoo ay wali isasoo tarayso baahida haweenka Muslimiinta Malaysia ee ku aadan xirashada Xijaabka, doonista hab-labiseedka casriga ah ee Xijaabka waa mid kusoo badanaya waddooyinka guud ee dalka Malaysia.
“Doorashada xirashada Xijaabku ma ahan inay cadaadis ku abuuri karto gabadha Muslimadda ah. Mana ahhan fal kaliya loo arko mid ruuxi ah,” Nurul Zulkufli ayaa u sheegtay war-fidiyeenka.
33-jiradda ah Muslimad Malaysian ah waxay sheegtay in doorashada casriga ah ee xirashada Xijaabka ay qurux kusoo biirisay Malaysia iyada oo fursad hal-abuureedna u noqotay hal-curiyaal dhaqaaleed oo tira badan.
Wax ku dhow 5-malyuun oo haweenka Muslimiinta Malaysian-ka ah ayaa xiran hab-labiseedka casriga ah ee Xijaabka, marka loo eego Muslimah oo xubin-hirgalineed ka ah Emi Yuzliza Yahya oo ah shirkad soo saarta dhar casriyeedka cusub ee Islaamiga.
-Xittaa Haweenka aan Muslimiinta ahayn-
Labisyada casriga ah qaabka Islaamiga ah u xardhan, kaliya sooma jiidan badi haweenka Muslimiinta Malaysia. Waxaa jira haween badan oo aan Muslim ahayn kuwaas oo xiisa u qaba xirashada modelka cusub ee Xijaabka.
Islaamka ayaa xirashada xijaabka u arka hab-labiseed sharci ah. Mana uga dhigna astaan diimeed muujinaysa gaaroobid.
Malaysia waxaa 26-malyuun oo qowmiyado kala duwan ah sida Malay oo leh aqlabiyadda ugu badan, Shiinees iyo Hindiyan. 60% dadka Malaysia waa Muslimiin.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!