crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Angela Merkel: Jarmalku wuxuu noqon doonaa dal Islaami ah | HimiloNetwork

Angela Merkel: Jarmalku wuxuu noqon doonaa dal Islaami ah

Berlin, Germany (Himilonews) – Iyada oo ka hadlaysay qul-qulka soo-galootiga iyo kobaca tirada Muslimiinta ah ee kusoo badanaya qaaradda Yurub gaar ahaan Jarmalka, Angela waxay sheegtay inay muuqato saan-saan ah in Jarmalku uu noqon doono Jamhuuriyad Islaami ah marka lagaaro sanadka 2050-ka.
“Waxaynu wajahaynaa is-badallo iyo is-dhexgal bulsho oo nooga imaanaya bulshada Muslimka ah,” ayay tiri Angela Merkel. “Sanado badan ayaanu usoo joognay inaan indhaheenna ku aragno kororka masaajidda iyo liica ku socda Kaniisadaha. Dalkani wuxuu noqon doonaa, shaki la’aan, Jamhuuriyad Islaami ah.”
Jarmalka oo ah dalka labaad ee ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan qaaradda Yurub, ayaa waxaa Muslimiintiisa lagu qiyaasaa wax ka badan 6-malyuun.
Ma ahan oo kaliya Jarmalka, dalka kaliya ee Yurub kamid ah kaas oo Jamhuuriyad Islaami ah noqon doona. Waxaa jira dalal badan oo Yurub ka tirsan kuwaas oo yeelan doona aqlabiyad Islaami ah. Dalalka Holland, France, Ingiriiska iyo guud ahaanba dalalka leh dadyowga tira-yarta ah sida Biljamka ayaa noqon doona Jamhuuriyado Islaami ah.
Mucamar Al-Gadafi oo ahaa madax-weynihii hore ee Libya ayaa isaga oo ka hadlayay kobaca ku socda Muslimiinta Yurub wuxuu yiri; “Waxaa jira astaamo muujinaya in Ilaahay uu guul Islaamka ka siin doono Yurub, dagaal iyo argagixiso la’aan. Uma baahnin qoryo iyo hub wax gumaada. 50+ ee ah Muslimiinta maanta joogta, waxay Yurub ka dhigi doonaan qaarad Islaam.”
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!