Xayiraad ay Yuhuuddu kusoo rogtay Falastiiniyiinta

Muqdisho – Israel ayaa u diiday Falastiiniyiinta inay galaan magaalada Jeruslam kadib laba weerar oo 24-saac gudahood lagu qaaday Israel.
Xayiraadda oo soconaysa laba maalin ayaa Filistiiniyiinta u diidaysa inay galaan dhulka Jeruslam haddaysan daganeyn.
Habeenkii sabtida ayuu ruux Falastiini ah Toorrey ku dilay labo Yahuudi ah. Saacado kaddibna, Falastiini kale ayaa Toorrey ku dhaawacay qof Israeli ah. Booliska ayaa toogtay labada ruux ee weerarka geystay.
Madaxda Filistiiniyiinta ayaa canbaareeyey falka xayiraadeed ee Yuhuuddu kusoo rogtay Jeruslam. Kowdii bishan ayay ahayd markii ugu horreysay ee calan-Filistiin laga taago xarunta Qaramada Midoobay ee New York.
kadib taagista calanka, Filistiin waxay boos buuxda ku yeelanaysaa kal-fadhiyada QM. Halka dalal badan oo caalamka ka jira qaarkood ay Filistiin u aqoonsanayaan dal jira. Walow Israel iyo Maraykankuna ay kasoo hor-jeesteen falkaasi.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!