crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wararka | HimiloNetwork | Page 26

Wararka

Qoys muddo 6 sano ah Guri ka dhigta Musqul.

MUQDISHO (HN) — Saddex sano oo bani aadanka cimrigiisa kamid ah wuxuu ku bixiyaa booqashada suuliga ama musqusha; laakiin, lixdii sano ee lasoo dhaafay waxay hooyadan iyo labadeeda cunug guri ka dhigtaan musqul ama suuli. Guri aad u jeedaanna wuxuu ahaa walina yahay musqul korka iyo gidaaradda looga deyray dhoobo iyo laamiyeeri. Dhammaanteen waxaynu dhibsanaa daqiiqadaha kooban oo aan booqashada ...

Read More »

Sababta uu Wiil mar kaliya uu laba Gabdhood u guursaday!

MUQDISHO (HN) — Warbaahinta Induniisiya ayaa dhawaan baahisay sheeko la yaab leh oo ku saabsan nin da’yar ah oo goob ka dhacaysay xafladda arooskiisa ay kusoo idlaatay inuu amooradiisa iyo inantii uu xiriirka jaceyl kala dhaxeyn jiray uu isla guursado. Bishii hore Korik Akbar, oo 20 jir ah kuna nool gobalka West Nusa wuxuu ku sugnaa goobta lagula mehrinayay jaceylkiisa ...

Read More »

La kulan: Gabadha Midabka Binkiga saaxiib la ah.

MUQDISHO (HN) — Gabadha aad la kulmi doontaan waxay jaceyl aan xisaab lahayn u qaaday midabka binkiga ama basaliga. Wuxuuna ugu dambeyntii qaabeynaya hab nololeedkeeda. La kulan Yaasmiin oo ah 33 jir bare dhigta cilmiga artiska ama farshaxanka ah kuna nool dalka Switzerland. Waxay jaceyl dhammeystiran u qaaday midabka binkiga ah oo ay wax walba oo midabkaas ah ama ka ...

Read More »

Guddiga Qaran ee la-dagaalanka Musuqmaasuqa.

MUQDISHO (HN) — Musuqmaasuq wuxuu taniyo markii dalku la qabsaday nidaamka dowladnimada oo uu ka dhaxlay gumeystihii ka kacay uu ahaa sumad lagu baadisooco dowladihii rayidka ahaa oo heer markii dambe loogu yeeray hooyadii musuqa ay gaareen. Marwalbana kaliya maanu cuuryaamin jirin sinnaanta bulsho iyo wax wada qeybsiga ku taagan lahaanshiyaha hal qaran oo la wada leeyahay. Wuxuu sidoo kale ...

Read More »

“Waxaan isku arkaa qofka ugu Qurxoon dunida.” — Mary.

MUQDISHO (HN) — Waxaa loogu yeeraa gabadha ugu foosha xun caalamka. Laakiin 31 jirta Mary marwalba oo ay billadayaha ama muraayadda isku eegto waxay isku aragtaa qof kale oo gaarkiisa u qurux badan. Qalanjo aan qeybsamin iyo qof Eebbe karaameeyey. Xanuun mar la’arag ah ayaa marwalba oo ay jiifsato waxay kusoo toostaa iyada oo timaheeda qeyb kamid ah ay gurmayaan. ...

Read More »

La kulan: Boqorka Shinnida.

MUQDISHO (HN) — Dad badan waxay ku raaxaystaan cunista malabka. Laakiin marnaba ma jecleystaan inay kulmaan shinnidda sameeya. Hayeeshe, ninka aad u jeedaan – kaliya ma dhaqdo Shinnidda wuxuu sidoo kale isugu yeeraa boqorkeeda. Waayo boqorrada Shinnida wuxuu u tix-geliyaa xaaskiisa. Kolonyada ay maamushana waa sida carruurtiisa. Shinnidu waa noole Ilaahay ku ilhaamiyay sameynta malab ugu yaraan wax kasta dawo ...

Read More »

Maalinta Caalamiga Dhalinyarada.

MUQDISHO (HN) — Maalinta Caalamiga ee Dhalinyarada waxaa loo dabaal-degaa 12 ka goosto sannad kasta. Sannadkan waxaa hal-ku-dheg loo qaatay is-beddelka habka cuntada – iyada oo loo marayo hal-abuurka da’yarta ee dadyowga iyo faya-dhowrka. Ujeedduna waxay tahay in hoosta laga xariiqo guulaha kasoo noqda dadaallada caalamiga ah inaan marnaba la gaari Karin ilaa iyo inta ka qeybgal buuxa laga siinayo ...

Read More »

“Majoojinayo cunnimada ilaa aan ka dhinto!”

MUQDISHO (HN) — Waxaa loo dhigaa saddex kursi marwalba oo uu fadhiisa maago; marka uu bannaan-aadayana waxa loo balaqaa labada fidqo ee ganjeelka guriga si uu uga soo baxo; waa sida gaari laga soo bixinayo guriga. Socodkiisuna ma badna. Laakiin marwalba oo uu banaanka u baxo, 23 jirkan cayilku faraha ba’ani ku hayo, waa mid caan ka ah degaanka uu ...

Read More »

Magaalada ugu dhuuban Caalamka.

MUQDISHO (HN) — Waxa dhinac ku heysaa daanta Wabiga Nanji oo dhex mara labo buur dhexdood oo ku yaalla gobalka Yunnan waxaana loo tix-geliyaa ama lagu tilmaamaa magaalada ugu dhuuban caalamka. Marka dusha sare laga eego way adag tahay qof inuu rumeysto jiritaankeeda. Labada dhinac ee daanta daamaha webiga waxaa ka jira degaamaysi aan yareyn. Waxaana ku nool dad lagu ...

Read More »

Cuuryaanka aan Caban!

MUQDISHO (HN) — Ninkani wuxuu sabab weyn u heystaa inuu farxad ku dareemo sida Ilaahay u abuuray. Reynreyn iyo tamashle joogto ah oo laga bilaabo gurigiisa ilaa goobaha loo dalxiiska tago uu kula qaato ehelkiisa iyo saaxiibadiisa waxay kamid tahay noloshiisa caadiga ah. Wuxuu sameeyaa ugu yaraan wax walba sida qoditaanka dhulka ciidda jilcan ee xeebaha ku teedsan, ku dheelidda ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!