crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sababta uu Wiil mar kaliya uu laba Gabdhood u guursaday! | HimiloNetwork

Sababta uu Wiil mar kaliya uu laba Gabdhood u guursaday!

MUQDISHO (HN) — Warbaahinta Induniisiya ayaa dhawaan baahisay sheeko la yaab leh oo ku saabsan nin da’yar ah oo goob ka dhacaysay xafladda arooskiisa ay kusoo idlaatay inuu amooradiisa iyo inantii uu xiriirka jaceyl kala dhaxeyn jiray uu isla guursado.

Bishii hore Korik Akbar, oo 20 jir ah kuna nool gobalka West Nusa wuxuu ku sugnaa goobta lagula mehrinayay jaceylkiisa cusub markii ay timid gabar hore oo xiriir jaceyl uu kala dhaxeeyey ayna dalbatay inay xaaskiisa labaad ku noqoto isla goobta oo uu guursado.

Halkii buuq iyo bulxan uu ka dhici lahaa madasha, aroosadda oo la yiraahdo Kotimah, ayaa oggolaatay in lala guursado iyada oo u sheegtay seygeeda inay aqbashay saaxiibtiisii inay xaaskiisa labaad noqoto.

Waxaana halkaas ku dhismay laba qoys oo mar qura lagu yagleelay isla madal kaliya.

“Seygayga saaxiibtiisii hore Yuanita waxay soo maqashay inuu i guursan rabo madaama tahniyado badan ay inoo soo dirayeen saaxiibada. Markii ay goobta timidna waxay codsatay inay xaaskiisa labaad noqoto,” Kotimah ayaa u sheegtay saxaafadda.

“Waxyar kaddib markii aan nimid xafladda, waxay lasoo istaagtay dalab ah inuu iyada guursado.”

Caruuska 20-jirka ah ayaa sheegay inuu la argagaxay markii uu arkay saaxiibtiisii hore oo ay is yaqaaneen taniyo sannadkii 2016-ka. Hayeeshe, markii uu la tashtay ehelkiisa, wuxuu go’aansaday inuu isla guursado. Wuxuuna ku wada mehersaday xisaab isla eg.

Wuxuuse raga Induniisiya uga digay inay raacaan tallaabtiisa madaama sida uu sheegay ay adag tahay in mar qura laba xaas noloshooda la maareeyo. Da’yarkan ayaa doonaya inuu u baxo dalka Malaysia oo ay jaar yihiin si u fursad shaqo uga helo. Laba xaasna uu ku dhaafo reerka.

Shaqo la’aan ayaa hadda heysata. Mustaqbalka ka horreeyase macadda. Waxaase iska cad in xaaska labaad ay ku guuleysatay inaysan isaseegin jaceylkeedii hore diyaarna ay u tahay inay kula noolaato xaalad walba.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!