crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan: Gabadha Midabka Binkiga saaxiib la ah. | HimiloNetwork

La kulan: Gabadha Midabka Binkiga saaxiib la ah.

MUQDISHO (HN) — Gabadha aad la kulmi doontaan waxay jaceyl aan xisaab lahayn u qaaday midabka binkiga ama basaliga. Wuxuuna ugu dambeyntii qaabeynaya hab nololeedkeeda.

La kulan Yaasmiin oo ah 33 jir bare dhigta cilmiga artiska ama farshaxanka ah kuna nool dalka Switzerland. Waxay jaceyl dhammeystiran u qaaday midabka binkiga ah oo ay wax walba oo midabkaas ah ama ka warqaba ay soo iibsato.

Binkiga iyo dahabigu waxay noqdeen labada midab ee ugu dambeyntii loo gaar yeelay xaawaladayda dumar. Mana ahan sir in badan ka qarsoon bulshooyin badan oo ragoodu lagu xifaaliyo haddii lagu arko midabadaas midkood.

Hayeeshe jaceylka ay haweenku u qabaan midabka binkiga looma wadda sinna ee waa loo kala dhow yahay. Mana jirto gabar kale oo lala barbardhigo Yasmin.

Markii ay 19 jir ahayd ayaa ugu dambeysay xirashada dhar kale oo midab kale leh. Jaceylka ay u qaaday midabka binkiga wuxuu soo bilowday markii ay 12 jirsatay kadib markii hooyadeed ay usoo iibisay isku joog basali ah.

Taniyo markaas waxay go’aansatay inay soo urursato wax walba oo midabka binkiga ah leh. 20 sano kaddib midabkani wuxuu laf-dhabar u yahay nolosheeda. Waxayna xirataa midab walba oo lala xiriiriyo iyo xattaa agabyada lagu dhaashado iyo kuwa maacuunta iyo fadhiga loogu tala-galay.

Xattaa telefoon gacmeedka ugu jira, guriga sariirta ay ku jiifsato, qolka fadhiga, garaafikyada suran gidaaradda aqallada, daahmanka iyo ashuumanka geedaha lagu koriyo waa wada binki.

Waxaase kasii yaab badan in sidoo kale ay midabka binkiga ku mariinto sagxadaha ardaaga hore ee gurigeeda si aan fursad kale loogu abuurin midab aan ka ahayn midka ay jeceshahay.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!