Guddiga Qaran ee la-dagaalanka Musuqmaasuqa.

MUQDISHO (HN) — Musuqmaasuq wuxuu taniyo markii dalku la qabsaday nidaamka dowladnimada oo uu ka dhaxlay gumeystihii ka kacay uu ahaa sumad lagu baadisooco dowladihii rayidka ahaa oo heer markii dambe loogu yeeray hooyadii musuqa ay gaareen. Marwalbana kaliya maanu cuuryaamin jirin sinnaanta bulsho iyo wax wada qeybsiga ku taagan lahaanshiyaha hal qaran oo la wada leeyahay. Wuxuu sidoo kale sabab weyn u ah jiritaanka iyo xoogeysiga qabyaaladda iyo nixtooxsiga.

Majirto mar la dhihi karo musuqu wuxuu dalka ka joogay heerka ugu hooseeya amaba maba aanu jirin. Laakiin waxaa la isla og yahay in goor walba oo la doono qeexid rasmi ah in la saaro maamulladii dalka soo maray in sifada qura oo ay ka wada sinnaayeen uu ahaa musuqmaasuq iyo wax is daba marin.

Si kale marka loo dhigana, waxyaabihii xoojinayay inuu xidideysto waxaa kamid ah dadka oo usoo dhamaanayay nolosha magaalooyinka iyo qeyb ahaan faashistihii Talyaaniga oo umadda baray qiyaanada iyo laaluushka.

Lixdan sano kahor markii uu xoogeysatay dhaqaaqii magaalo soo galista, kumanaan soomaali ah ayaa gaaray magaalooyinka waa wayn ee dalka oo ay ugu horreeyso caasimadda Muqdisho, iyada oo lasoo faarujiyay badi deegaanadii miyiga ahaa.

Waxaa u billaawday dadkii reer guuraagga ahaa ee yimid magaalooyinka, socdaal watay fursado waxbarasho iyo kuwa shaqo ba. Markase laga yimaado dhinacaasi togan waxaa nolosho magaalado inna bartay dhaqamo taban.

Sida Musuqa oo ka marnaa sooyaalka Soomaalida kahor soo galidii magaalada, kaasi oo innaga dhigay mid ka mid ah bulshooyinka ugu musuqa badan adduunka. Waxa uu gaaray ugu yaraantii xafiis waliba mid dowladeed, ku hay’adeed amaba mid gaar loo leeyahay.

Xilli waliba waa la fishaa in musuq maasuq dhaco midkiisa ugu badan waxaa la arkaa xilliyada uu dalku ku jiro doorashada mid baarlamaan amaba tu’ madaxweynenimo midey ahaataba. waxaa la iibsadaa codadka adayaasha dhaqanka ee doorta xubnaha baarlamaanka iyo midka mudanayaasha sharci dejinta ay kusoo doortaan Madaxweynaha dalka. Taariikhduna waxay sheegeysa in dooro ku sheegtii la qabtay 1969-kii oo ay ka qeybgaleen 84 xisbi oo u taagan dano qabiil in loo adeegsaday musuqmaasuq markii dambe dalka gaarsiiyay inuu lumiyo heybadii qarannimo.

Haddii aan dib u laabanao afar sano kahor, doorashadii 2016-kii, waxaa dhacay musuq iyada oo la bixiyay laaluusha, sida uu u sheegay BBC-da Hanti dhowrihii qaranka ee xilkaasi Nuur Faarax Jimcaalle kuraasta qaar waxaa lagu bixiyay lacag u dhaxeysa kun illaa shan kun oo doolar, taasi oo muujineysa heerka musuqu gaaray.

Iyadoo ay dalka ka soconayaa soo xulista xubnaha aqalka sare, dhawaan na a billaaban doonto midda golasha shacabka, ayaa waxaa la daah furay toddobaadkan shaqada Guddigga madax banaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa, kaasi oo dabayaaqadii sanadkii hore lasoo dhisay.

Munaasibaddii furitaanka, waxaa xubnaha guddigga oo sagaal ah loo jeediyay dardaaran, waxaa hubaal ah in baahi loo qabo lamasa saadaalin karo sida uu uga soo dhalaaliyo karo shaqadiisa, dadka qaar ayaase qaba in aan laga filan karin natiijo buuran iyo inay wax muuqda ka qabtaan musuqmaasuqa gaaray dacal waliba.

Sida uu yiri Nuhu Ribadu – markii la isku dayo in laga hortago musuqa isaga ayaa kugu soo duula. Waana marag ma doonto in saha jirta marka laga qiimeeyo oo musuqmaasuqu uu murqaha ku fidsaday laamaha dowladda, way adag tahay in sahal looga taqaluso ama ugu yaraan raadkiisa saameyn ahaaneed la dhimo.

Qore: Sacdia Nuur Ciid.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!