crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> “Waxaan isku arkaa qofka ugu Qurxoon dunida.” — Mary. | HimiloNetwork

“Waxaan isku arkaa qofka ugu Qurxoon dunida.” — Mary.

MUQDISHO (HN) — Waxaa loogu yeeraa gabadha ugu foosha xun caalamka. Laakiin 31 jirta Mary marwalba oo ay billadayaha ama muraayadda isku eegto waxay isku aragtaa qof kale oo gaarkiisa u qurux badan. Qalanjo aan qeybsamin iyo qof Eebbe karaameeyey.

Xanuun mar la’arag ah ayaa marwalba oo ay jiifsato waxay kusoo toostaa iyada oo timaheeda qeyb kamid ah ay gurmayaan. Ilaa markii dambe ay nafteeda ka heshay iyada oo qeybta dmabe ee madaxa ay timuhu ka guureen. Waana sheekada nolosheeda halka uu kasoo bilowdo. Laakiin haddii aysan taasi qalbigaada wali gelin waxoogaa yar oo naxariis ah, Mary waxay ku nooshahay guri keli ah oo aan hooyo iyo aabbe iyo walaalo toona kula nooleyn.

Samafalayaal ayaa ku caawiyay qolka ay u jirto oo si dhow markaad ugu fiirsato uu wax kasta kaaga sheegi sida faqrigu fara ba’an ugu hayo nolosheeda.

Nolosha marnaba dadka jilcan masiiso tijaabo adag si ay u guuleystaan. Kaliya dadka adag ayay marisaa imtixaan badan si ay u dhigaan taariikh iyo diiwaan cusub. Sheekada Mary-na waa halgan adag oo ay kula jirto gudaha aqalkeeda iyo degaanka ay ku nooshahay. Waana qof yool ku taagan.

Hayeeshe, marwalba uma sahleyn inay qof ahaan is aqoonsato. Inay awoodo bannaan u bixiddana waxay ahayd geesinimadii ugu weyneyd iyo go’aankii ugu fiicnaa oo ay nolosheeda u qaado. Waagii hore waxay ka xishoon jirtay in lagu faquuqo sida Eebbe ka yeelay muuqeeda. Waxay ugu yeeri jireen ereyo dhaawaca cindigeeda sida Daaxuur iyo Muuse korow. Laakiin hadda dan kama gasho waxa laga yiraahdo xaggeeda.

Sidaas darteed, iyada oo ku taagan murtida Somaaliyeed ee tiraahda arrad waa dan, uskagse waa doqonimo ayay sida gabdhaha asaageeda ah ugu dhaashataa hadba wixii ay heli karto oo make up ah. Waxay fahamtay in quruxdu ay hadba ku jirto indhaha qofka wax eegaya oo aanay ka duwaneyn xaawaleyda kale. Waana sax oo quruxdu malahan hal micno oo la isku raacsan yahay.

Hal-adeygnimada ka muuqata kuma eka oo qura inay u noolaato sida ay jeceshahay. Waxay sidoo kale quuddareynaysa inay guulo waaweyn ka gaarto nolosha sida noqoshada modeliste dharka xayaysiiya iyo buufeerad gabdhaha qurxisa.

Laakiin walwalka ugu weyn ee ka heysta nolosha waa nuuca mustaqbal oo ay filayso. Madaama ay 30 jirsatay waxay ku warwaraysaa sida ay ku hanan doonto lammaane ku jeclaada sida ay tahay oo ay qoys la yagleesho.

Inta ka sokeysase, waxaa ka go’an inay nolosha ku qaabisho karti iyo ka go’naansho xeel dheer.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!