crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muxajabaddii koowaad ee Cayaarta Kiriketka ku metesha Britain. | HimiloNetwork

Muxajabaddii koowaad ee Cayaarta Kiriketka ku metesha Britain.

MUQDISHO (HN) — Abtaha Maqsood oo 22 jir Glasgow ku nool waxay iyada oo aad u yar ardaaga gurigooda kula dheeli jirtay cayaarta kiriket-ka walaalkeed iyo aabaheed. Waxayna maalin kamid ah maalmahaas go’aansatay inay noqoto gabadhii ugu horreysay oo – iyada oo muxajabad ah – dalkeeda Britain ku metesha tartanka caalamiga ah ee kiriket-ka.

Waxay kasoo jeeda dalka Pakistan. Qoyskeeda oo dhami waxay xiiseeyaan cayaartan – waana sababta ay iyaduna u dooratay inay meel muuqata ka gaarto – iyada oo isla mar ahaantaana aan lumineyn heybteeda Muslimnimo caqiidadeeda Islaamiga ah.

Waxay kamid noqotay koox gudaha ka dheesha iyada jirta 11. Markii ay 12 jirsatayna, waxay hormuud u noqotay da’yarta 17 jirka ka yar ee Scotland uga qeybgalaya tartanka.

Waxay goor walba oo fagaaraha lagu arko kusoo muuqata xijaabkeeda mana doorbido inay u tanaasusho diinteeda taas beddelkeeda waxay dooneysaa inay noqoto Muslimaddii ugu horreysay ee billad usoo hoysa dalka ay ku nooshahay ee Britain.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!