MUQDISHO (HN) – Macallimad wax ka dhigta gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka, waxay markii ay ogaatay in ardaydeeda fasalka siddeedaad ay dhibaato ku qabaan inay si fiican diiradda u saaraan casharrada xisaabta, ay go’aansatay inay tamartooda/firfircoonidooda u weeciso hab ka duwan kan caadiga ah oo ah inay baaskiil ku jimicsadaan iyaga oo xiisadda ku jira.
In kasta oo aanay ahayn wax caadi ah in ardaydu baaskiil ku jimicsadaan xilliga casharrada xisaabta, haddana Bethany Lambeth oo ah macallimad ka shaqeysa dugsiyada degmada Wake County, waxay sheegtay in tan iyo markii ay miisaska ardayda hoostooda ku rakibtay qalabka baaskiillada lagu jimicsado, ay si weyn usoo hagaagtay tayada shaqada ardayda, awooddooda waxbarasho iyo feejignaantooda. Waxa kale oo yaraaday dhaq-dhaqaaqii aan loo baahnayn oo ay ardaydu fasalka dhexdiisa ka samayn jireen.
Waxay tiri: “Markii hore ardaydu miisaska ayay garaaci jireen, ardayda kalena way taaban jireen oo dhibi jireen, laakiin hadda sidaas ma sameeyaan. Lugahooda ayay ku mashquuliyaan dhaqdhaqaaqa baaskiilka.”
Waxay intaas ku dartay in si weyn ay u korortay tayada shaqada ardayda, halka ay yaraadeen shaqooyinkii waxbarasho oo ay ardaydu dhammaystiri waayeen.
Macallimaddu waxay sidoo kale sheegtay in ardaydu hadda aanay is dhibin – fasalka dhexdiisa iska dhex socon – isla markaana aanay u baahnayn inay meelo kale u wareegaan si ay tamartooda u isticmaalaan, maadaama ay jimicsiga baaskiilka ku samayn karaan iyaga oo casharkooda wata.
“Waxaan aaminsanahay in dunidu si weyn isu beddelayso, carruurtuna ay u baahan yihiin habab waxbarasho oo ka duwan kuwii hore. Hababkii aan horay u adeegsan jirnay mar walba ma ahan kuwo shaqaynaya,” ayay tiri.
Bethany Lambeth waxay qalabkan baaskiillada lagu jimicsado ku rakibtay fasalka dhammaadka sannadkii hore, iyada oo midkiiba ku iibsatay lacag ku dhow 150 dollar oo ay la socoto dammaanadda qalabka.
Kharashka lagu soo iibiyay qalabkan waxaa daboolay deeqo ay bixiyeen dad kala duwan iyo kaalmo laga helay sanduuqa 4-C Fund. Sidaas darteed, wax lacag ah oo canshuur-bixiyeyaasha laga qaaday laguma maalgelin mashruucan.
Markii la arkay natiijooyinka wanaagsan oo ka dhashay tijaabadan, waxaa suuragal ah in maamulka wax-barashada uu arrintan si gaar ah u eego, si loo ogaado sida loogu sii gudbin karo dugsiyada kale.
Mas’uuliyiinta waxbarashada ayaa si gaar ah u danaynaya doorka ay qalabkan baaskiilladu ka ciyaari karaan fasallada waxbarashada gaarka ah oo ardayda qaarkood u baahan karaan dhaqdhaqaaq dheeraad ah si ay waxbarashada diiradda u saaraan.
Dhanka kale, ardaydu aad ayay usoo dhaweeyeen qalabkan cusub oo ay u arkaan mid xiiso leh.
Sofia Fedele, oo kamid ah ardayda fasalka Bethany Lambeth, waxay sheegtay in baaskiil wadistu ay ka caawiso inay si wanaagsan diiradda u saarto casharrada.
“Caadi ahaan, cagahayga ayaan dhaqaajin jiray oo dhulka ku garaaci jiray, sababta oo ah waxay iga caawisaa inaan feejignaado, laakiin hadda baaskiil wadistu aad ayay uga wanaagsan tahay. Waxay iga caawisaa inaan jimicsado isla markaana aan casharka diiradda saaro,” ayay u sheegtay warbaahinta WRAL.
Sidoo kale, Quinn Spear oo isaguna kamid ah ardayda fasalka ayaa tilmaamay faa’iidooyinka caafimaad oo uu ka helay jimicsiga baaskiilka inta lagu jiro casharrada.
Wuxuu wariyeyaasha u sheegay in kahor 10:00 subaxnimo uu baaskiilka ku maray masaafo dhan 5.5 mayl (qiyaastii 8.9 kiilomitir), isla markaana uu gubay 133 kaloori, isaga oo weli ku guda jira maalintiisa waxbarasho.
Tijaabadan ayaa muujinaysa sida habab waxbarasho oo hal-abuur leh loogu adeegsan karo in ardayda laga caawiyo inay isku mar helaan waxbarasho tayo leh iyo dhaqdhaqaaq jireed.