MUQDISHO (HN) – Tuulada Tulsi oo ku taalla gobolka Chhattisgarh, dalka Hindiya, waxay caan ku noqotay magaca YouTube Village ama Tuulada YouTube-ka, kaddib markii la ogaaday in qayb weyn oo kamid ah dadka deggan ay noloshooda iyo dhaqaalahooda kasoo saaraan samaynta muuqaallada ay ku baahiyaan internet-ka.
Muuqaallada internet-ka lagu baahiyo ayaa sannadihii ugu dambeeyay noqday kuwo si weyn loo isticmaalo oo malaayiin qof oo dunida ku nool ku dhiirri-gelisay inay isku dayaan xirfad iyo inay shaqo ka dhigtaan samaynta muuqaallada. Hayeeshee, meelaha sida gaarka ah loogu arkay dadka tirada badan oo YouTube-ka ka shaqeeya waxaa kamid ah tuulada Tulsi oo ah deegaan miyi ah oo ku yaalla gobolka Chhattisgarh.
Tuuladan oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 3,000 oo qof, in-ka-badan saddex-meelood meel dadka deggan waxay si firfircoon u sameeyaan muuqaallo ay ku baahiyaan YouTube, iyaga oo ka hela dakhli.
In badan oo kamid ah dadka shaqadan bilaabay ayaa markii hore ahaa beeraley, balse markii ay maqleen in qaar kamid ah dadka ay isku tuulada yihiin ay dakhligooda laba jibbaareen – qaarkoodna xitaa saddex jibbaareen – markii ay bilaabeen samaynta muuqaallada YouTube-ka kaddib, waxay go’aansadeen inay ka tagaan shaqooyinkoodii hore oo ay usoo wareegaan xirfaddan cusub.
Sheekada ku saabsan tuulada YouTube-ka Hindiya ayaa ka bilaabatay laba saaxiib oo kala ah Gyanendra Shukla iyo Jai Verma oo kasoo tagay shaqooyinkoodii hore ee injineernimada shabakadaha internet-ka iyo macallinnimada, si ay u bilaabaan samaynta muuqaallo ay internet-ka ku baahiyaan.
Muddo yar kaddib, labadooduba waxay bilaabeen inay dhaqaale wanaagsan ka helaan shaqadoodan cusub. Guushooduna waxay si degdeg ah ugu faaftay tuulada taas oo dad kale ku dhiirri-gelisay inay iyaguna ku daydaan.
Gyanendra Shukla oo la hadlay wakaaladda wararka ANI, wuxuu ka sheekeeyay sida uu ku bilaabay shaqadan:
“Markii hore waxaan ka shaqayn jiray bangiga SBI aniga oo ahaa injineer dhinaca shabakadaha internet-ka. Xafiiskaygu wuxuu lahaa internet xawaare sare leh, halkaas ayaanan inta badan ka daawan jiray muuqaallada YouTube-ka,” ayuu yiri Shukla.
Wuxuu intaas ku daray inuu horeba u jeclaa filimada, isla markaana sannadihii 2011–2012 markii lasoo saaray nuuc cusub oo YouTube ah, xilligaas ay aad u yaraayeen kanaallada ku jiray bartaas.
“Ma aanan ku qanacsanayn shaqadaydii caadiga ahayd ooaan subaxdii tagi jiray, galabtiina kasoo laaban jiray. Sidaas darteed ayaan shaqadii uga tagay, waxaana bilaabay inaan YouTube ka shaqaysto,” ayuu yiri.
Maanta, waxaa lagu qiyaasaa in ku dhowaad 40 boqolkiiba dadka tuulada ay ku howlan yihiin samaynta muuqaallo ay ku baahiyaan baraha bulshada sida YouTube, TikTok iyo Instagram.
Dadka shaqadan ku jira waxaa kamid ah dhallinyaro da’doodu tahay 15 sano iyo waayeel gaaray 85 sano oo ay ku jirto ayeeyo waayeel ah oo iyaduna qayb ka ah dadka muuqaallada sameeya.
Tuulada Tulsi waxaa saldhig u ah ku dhowaad 40 kanaal oo waaweyn kuwaas oo soo saara muuqaallo ku saabsan majaajillada, muusigga, wax-barashada iyo farsamooyinka gacanta oo la isku sameeyo (DIY).
Qaar kamid ah kanaallada ugu caansan tuulada ayaa YouTube-ka ku leh in ka badan 100,000 oo qof oo ku xiran.
Guusha dadka tuuladan waxay tusaale u noqotay sida internet-ka iyo baraha bulshada ay fursado dhaqaale ugu abuuri karaan bulshooyinka ku nool miyiga, iyaga oo aan khasab ku ahayn inay u guuraan magaalooyinka waaweyn si ay shaqo iyo nolol wanaagsan u helaan.