crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 79 jir Muslim ah oo kubadda cagta dheela. | HimiloNetwork

79 jir Muslim ah oo kubadda cagta dheela.

MUQDISHO (HN) — Yakub Bhola waa 79 jir kubadda cagta dheela. Subax kasta marka uu salaadda Subax ka baxo wuxuu dhowr mile maalin walba kahor inta uusan la kulmin asxaabtiisa degaanka si ay galab kasta oo Arbaco ah u dheelaan banooniga.

Kooxda socodka kubadda cagta waxaa sameysay Blackburn Rovers Community waxaana aad usoo kordhay tirada xubnaha kamid noqonaya oo hadda gaaraya 30 ruux.

Yakub wuxuu ka samata-baxay laba jeer oo xanuun wadnaha ah saaxiibada ay isla dheelaanna aad bay da’ ahaan uga yar yihiin – waana 50 jir badigood.

Yakub oo UK uga soo guuray dalka Zambia sannadkii 1989 ayaa sheegay inuu jecleystay la cayaarista asxaabta Jamacaada Masjidkiisa u badan. Wuxuuna naawilayaa inuu si joogteeyo dheelida inta uu nool yahay.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!