crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan: Boqorka Shinnida. | HimiloNetwork

La kulan: Boqorka Shinnida.

MUQDISHO (HN) — Dad badan waxay ku raaxaystaan cunista malabka. Laakiin marnaba ma jecleystaan inay kulmaan shinnidda sameeya. Hayeeshe, ninka aad u jeedaan – kaliya ma dhaqdo Shinnidda wuxuu sidoo kale isugu yeeraa boqorkeeda. Waayo boqorrada Shinnida wuxuu u tix-geliyaa xaaskiisa. Kolonyada ay maamushana waa sida carruurtiisa.

Shinnidu waa noole Ilaahay ku ilhaamiyay sameynta malab ugu yaraan wax kasta dawo u ah. Manka iyo caleemaha ay siyaarato waxay ku caawisa inay fuf bixiyaan kadibna tarmaan. Waxaa la isku raacsan yahay in 30% wax soo saarka bani-aadanku ku nool yahay ay iyadu sabab u tahay. Haddii Shinni la waayo, waxaa la waayi doonaa qeyb dhan oo cunnada lagu nool yahay kamid ah.

Ka Ndayasiba ahaan, oo muddo 30 sano ah dhaqashada Shinnida ku gaaroobay wuxuu naftiisa ka helaa wax ay adag tahay in dadka kale ay ku dhiirradaan. Hayeeshe, wuxuu sheegta in fahamka hab nololeedkeeda iyo baxaalliga Ilaahay ku gaar yeelay ay ku caawisay inuu maareeyo siduu doonana u maamulo.

Sidaas darteed, subaxyada qaar ee toddobaad kasta wuxuu degta soo saarta kolay ay ugu jirto kadibna isaga oo adeegsanaya hannaan u gaar ah oo qiicisku kamid yahay ayuu awoodaa inuu kala soo baxo malabka saaran saxanka ay iyadu ku dul sameysay.

Waana amin ay dadku jecleystaan inay goob joog u noqdaan si ay uga bartaan sancada u suuragalisay inuu ku maamulo. Ku dhawaad kun xabo ayaa ku shamuumsan jirkiisa. Laakiin maanu sababeynin afsaabka afkiisa ku xiran.

Hayeeshe, wuxuu ogsoon yahay halka laga soo bilaabo kulantida Shinnida. Xabisidda boqoradda si ay ugu soo haliilaan halka lagu hayo ugana amarqaataanna waa tallaabta koowaad. Mana ka ahan maaweelo oo qura. Wuxuu aad uga ganacsadaa malabkeeda. Shinni la’aanteed wuxuu aaminsan yahay inaysan noloshiisu dhammeystir yeelateen.

Laakiin waxa sidoo kale yaabka leh ayaa ah inuu shinnida qaar u dirsado inay biyaha usoo daraan; kuwana ay u yihiin ilaalo; qaarna ay qaraab u baxaan. Safarkiisa ah noqoshada boqorka Shinnida wuxuu kasoo bilowday xiriir soo jireen iyo wada jir buuxa oo cimrigiisa badi uu lasoo qaatay.

In noolahan loo arko saaxiib waa farriinta uu jecel yahay inuu dadka la waadago. Waana mid muhiim u ah jiritaanka ina aadan oo dhan haddii uu doonayo inuu nolol macaan kula noolaado ifka dushiisa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!