crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maalinta Caalamiga Dhalinyarada. | HimiloNetwork

Maalinta Caalamiga Dhalinyarada.

MUQDISHO (HN) — Maalinta Caalamiga ee Dhalinyarada waxaa loo dabaal-degaa 12 ka goosto sannad kasta. Sannadkan waxaa hal-ku-dheg loo qaatay is-beddelka habka cuntada – iyada oo loo marayo hal-abuurka da’yarta ee dadyowga iyo faya-dhowrka.

Ujeedduna waxay tahay in hoosta laga xariiqo guulaha kasoo noqda dadaallada caalamiga ah inaan marnaba la gaari Karin ilaa iyo inta ka qeybgal buuxa laga siinayo dhalinyarada.

Waxaa la is og yahay baahida taageero loo dhan yahay in loo fidiyo dhalinyarada si ay u gaaraan yoolasha ay timaadada dhow ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan wax ku oolnimada halgankooda iyaga oo isla markaana maanka ku heynaya hab sahlan oo lagu horumarin karo heerka cunnada. Xilli la filayo in tirada dadweynaha caalamka ay ku kordhi doonaan 2 bilyan oo dad ah muddo 30 sano gudaheed ah, waxaa lama huraan ah in la kordhiyo heerka wax soo saarka cunnada si haqabeel looga dhigo loolana kulmo baahida aas-aasiga ah ee aadanaha nool.

Waxaa kale oo maalintani muhiim ah in lagu baraarugo sida hoos loogu dhigo heerka faqriga, sare u dhigga tayada caafimaadka bulshooyinka iyo is-dhexgal iyo kala faa’iideysi dhex mara quruumaha.

Cimilada sii xumaanaysa iyo sida ugu sahlan oo dhalinyaradu xooggooda ugu biiraan kahortagga aafada degaanka ku foolan ayaa sidoo kale ah mid u baahan in la is xusuusiyo.

Hayeeshe waxay u baahan tahay in la tayeeyo lana xoojiyo kaalintooda si ay natiijooyin loo aayi karo uga soo saaraan qorshayaasha aan lagu guuleysan Karin la’aantooda.

Xanuunka faafaya ee Covid-19 ayaa sidoo kale sare u dhigaya heerka cabsida laga qabo samata-baxooda maadaama ay tirada bulshooyin badan ay kaalmaha hore uga jiraan. Somaaliyana waxayn kamid ah dalalkaas.

Dhalinyarada Somaaliyeed waxaa horyaalla howlo adag iyo halgan joogto ah oo looga fadhiyo inay ku beddelaan masiirka dalkooda – waana rejada qura oo u taagan samatabixinta qaran gu’yaal badan la daala-dhacaya qabyaalad, kala dambeyn la’aan iyo musuqmaasuq murqaha ku fidsaday heykalka dowladnimada.

Dib marka loogu laabto waqtiyadii adkaa ee dalku soo maray lagana qiimeeyo heerka wacyiga iyo baraaruga dhalinyarada ee ku aadan dib u heshiisiinta iyo wax wada lahaanshiyaha, waxaa muuqata in si hadafkaas loo gaaro ay da’yarta Somaaliyeed sugeyso mas’uuliyad iyo waajib adag oo ay maantada la joogo ugu diyaargaroobaan beritada ay doonayaan inay bedelaan.

Si kastaba sannadkii 1999 ayaa markii ugu horreysay loo dabaal-degay maalinta caalamiga ah ee Dhalinyarada.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!