crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Magaalada ugu dhuuban Caalamka. | HimiloNetwork

Magaalada ugu dhuuban Caalamka.

MUQDISHO (HN) — Waxa dhinac ku heysaa daanta Wabiga Nanji oo dhex mara labo buur dhexdood oo ku yaalla gobalka Yunnan waxaana loo tix-geliyaa ama lagu tilmaamaa magaalada ugu dhuuban caalamka.

Marka dusha sare laga eego way adag tahay qof inuu rumeysto jiritaankeeda. Labada dhinac ee daanta daamaha webiga waxaa ka jira degaamaysi aan yareyn. Waxaana ku nool dad lagu qiyaasay tiradooda 450,000. Waana waxa ka dhigaya mid ka duwan magaalooyinka kale. Mararka qaar eegmada hore waxaad u malaynaysa inay tahay muqaal fidiyow game ah oo aan dhab u jirin.

Labada dhinac ee magaalada waxay isku jiraan 30 mitir halka barta ugu ballacsan ay cabbir ahaan dhan tahay 300 oo mitir. Hal waddo oo halbowle u ah isku socodka ayay leedahay. Mana lahan kaabado badan oo la iskugu gudbo.

Dhismaha guryaha saaran daanta webiga waxaa loo taagay dhuubdhuubsanaan si looga hortago fataahadaha ku imaan kara haddii joogga biyuhu ay soo kordhaan.

Muuqaal looga qaaday drone-ka ayaa aad ugu baahay baraha bulshada Shiinaha. Waxaana ay su’aal ka timid sababta loogu baahan yahay deganaanshiyaha magaalo sidan oo kale u dhuuban xagga dhismaha. Laakiin dadka degaanka ayaa si kastaba doorbideyn inay degaan magaalo kale wax kasta oo dhaca.

Xaqiiqduse waxay tahay in degaankani uu boqol sano ku dhawaad hoy u tahay dadkan sidaas darteedna aysan u fududeyn inay doorbidaan meel kale.

Laakiin ku hareersanaanta buuraha ku teedsan waxay adkeynaysaa in si sahal ah lagu soo gaaro maadaama ay leedahay hal waddo oo laga soo galo.

Qaab dhismeedka magaaladan wuxuu qeyb ahaan u dhow yahay midka ay leedahay magaalada Marka ee gobalka Shabeellaha Hoose taas oo ay dhinacyada uga hareersan yihiin buuro, bad iyo webiyo 10-km in ka yar u jira. Waxaana sidoo kale ay leedahay hal waddo oo laga soo galo loogana baxo.



error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!