crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wararka | HimiloNetwork | Page 20

Wararka

Sare-u-kac ka muuqda Qiimaha Qudaarta bisha Soonqaad.

MUQDISHO (HN) — Galab casir liiq ah iyo gudaha Suuqa Qudaarta ee degmada Wadajir. Qudaar-iibiye Maxamed Jeylani Cumar oo da’da afartameeyada ku jirana, wuxuu ka ganacsadaa qudaarta muddo toddobo sannadood ah. Laakiin la-yaab kuma ahan in marwalba oo bisha Ramadaan la gaaro uu sare u kaco qiimaha la iibiyo qudaarta – waana ujeeddo sababta ka dambeysa uu og yahay. “Wallaahi ...

Read More »

Gudaha Suuqa ugu weyn Caasimadda ee QARAHA lagu iibiyo.

MUQDISHO (HN) — Xilli barqo ah iyo gudaha suuqa qaraha lagu iibiyo ee degmada Wardhiigleey. Laga yaabee inaadan rumeysan hayeeshe, kani wali waa midka ugu weyn gudaha caasimadda ee lagu iibiyo qaraha, marka loo eego, Nuur Abshir Adan oo muddo 20-sannadood kamid ah kuwa ka shaqeysta. “Mid yaroo xaafadeed ah mooyaane,” ayuu yiri. “Halkan ayaa ah barta ugu weyn ee ...

Read More »

Warbixin – Cunnooyinka Shiilan ee lagu afuro.

MUQDISHO (HN) — Kowda duhurnimo iyo diyaarinta cunnooyinka afurka. Sida caadada u ahna, Istar Ismaciil waxaa meel dhexe u maraya karinta cunnooyinka fudud ee saambuuska, burka iyo bejiyaha oo ay soo bilowday barqanimadii maanta. Iyada ahaan, cunnooyinka la shiilo kaliya ugama dhigna afbilowga afurka qoyska. “Maba joogi karno haddii aanan ku afurin sambuus iyo bur,” ayay tiri iyada oo dul-fadhisa ...

Read More »

La kulan – Gabadha 12 jir Hooyo ugu noqotay 7 Carruur ah.

MUQDISHO (HN) — Iyada oo 12 jir ah ayay hooyo u noqotay 7 carruur ah. Hadda waa 18 jir waxayna la qabsatay nolosha hooyonimada. Waalidnimadu – siiba hooyanimadu – waa mas’uuliyada ugu adag nolosha balse ugu wax soo saar badan. Madaama juhdiga barbaarinta dhallaan kusoo biiray oo aan wax isku tari Karin ay u baahan tahay howl joogto ah, sabir ...

Read More »

Sidee Suxuurta muhiim ugu tahay qofka sooman?

MUQDISHO (HN) — Hiraabta ama Suxuurta wa cunnada la cuno qeybta dambe ee habeenkii inta lagu guda-jiro bisha Soonqaad. Waana ammin loogu diyaargaroobo ku dhawaad 15-ka saac ee soo aadan soojeedka maalinkii oo uu qofku ka caaqan yahay cunid iyo cabitaan. Waa sunno aanu kaliya jidaynin Suubanaha NNKH balse uu ku booriyay Muslimiinta inay joogteeyaan. Waxaana taas xoojinaysa faa’iidooyinka laga ...

Read More »

Timirta iyo sida loogu tixan yahay Cunisteeda Bisha Ramadaan.

MUQDISHO (HN) — Galab walba inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, la-yaab malahan in suuqyada lagu iibiyo timirta ay kamid noqdaan kuwa joogto looga adeegto. Abdiaziz Cali oo maalintii labaad oo xiriir ah u yimid inuu iibsado timirta ayaana kamid ah. “Qoys ballaaran maadaama aan nahay waxaan maalintii u baahanaa inaan hal kilo isticmaalno, sidaas darteed, ayaan ula saaxiibkay ...

Read More »

Sheekada Gabadha Mashiinka ku neefsata.

MUQDISHO (HN) — Waxay ku dhib qabtaa qaadashada hawada macaan. Mana u neefsan karto si caadi ah. Muddo 20 sannadood ah ayay xanuunsan tahay. Mashiinka agyaallana waxay ka heshaa ogsijiin ku filan oo ay ku neefsato. Nafteeda waxba uma qabsan karto sida meyrashada, cunnida raashiinka iyo xattaa jiifka. Hooyadeedna waa qofka ugu muhiimsan nolosheeda oo intaas oo dhan u qabanaysa. ...

Read More »

Bandhigga Buugaagta iyo Doorka Bulshada Maqalka la’ ee sannadka 2022.

MUQDISHO (HN) — Bandhigga Buugta Banaadir oo maalintii labaad galaya – ahna gunaanadka – wuxuu sannadkan ahaa mid ay ku dhan tihiin dhammaanba bahda qalinleyda oo ay kamid yihiin kuwa baahiyaha gaarka ah qaba siiba dhegoolayaasha. Qof kasta oo ku qornaa khudbad-jeedintana waxaa garab taagneyd Ubax Noor Cumar oo ciyaaraysay kaalinta isku xirka. Waxayna faham buuxa siinaysay martida kuwooda aan ...

Read More »

La kulan – Ninka ugu dheer AFRIKA.

MUQDISHO (HN) — Qumaati ugama soo bixi karo albaabada; mafuuli karo gaari walba; mana jirto sariir la’eg. Qof kasta oo la istaagana waa sida carruur la sawiran. Codkiisu waa mid guuxaya. Kabihiisana waa kuwa ugu weyn xagga cabirka. Dharkiisa uu xiran yahayna waxaa loogu sameeyaa dalka Sweden. Wuxuu sheegay in saaxiibkiisa oo dharka sameeya uu ka codsado inuu usoo hagaajiyo ...

Read More »

Bandhigga BUUGTA Banaadir oo maanta la daahfuray!

MUQDISHO (HN) — Bandhigga Buugta Banaadir oo ah dabshid u gaar ah qalileyda ku nool magaalada-madaxda Somaaliya ayaa maanta lagu daahfuray caasimadda Muqdisho. 18 qorayaal da’yar ah oo dhigay dhiganayaal cusub ayaa qeyb ka ah bandhigga. Waana mid kamid ah ujeedo-badanta loo helay bandhigga BB, marka loo eego Najma Maxamud Qaranbila, agaasimaheeda. “Hadiyo jeer wuxuu dadaalkayagu ahaa soo saaridda jiilal ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!