crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Naafada Eeyaha ah oo helaya Daryeel caafimaad + Sawirro. | HimiloNetwork

Naafada Eeyaha ah oo helaya Daryeel caafimaad + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Daryeelka noolaha Ilaahay ku abuuray ifka looma wadda sinna ee waa loo kala dhowyahay. Dunida Muslimka oo ay ahayd in looga daydo xurmada iyo qaddarinta noolayaasha Ilaahay uu khaliifo inooga dhigay ilaalintoodana, waa meelaha loogu dhibaataynta badan yahay. Marka ay timaado nolosha eeyaha ku noolna, kumaba sii jirto.

Laakiin sheekada soo aadan waa tusaale kamid ah tusaalayaasha caalamka kale kaas oo muujinaya in ugu yaraan noolaha Ilaahay loola dhaqmo si xurmo leh. Marka uu qofku dhaawacmo, wuxuu dareemaa xanuun iyo laxan aad u daran. Noolaha kalana, waa lamid. Sida ina aadan uu u dareemayo xanuunka si lamid ah ayay iyaguna u dareemayaan. Waxayna mudan yihiin in la dhiibi-tiro ama looga raaxeeyo xanuunka heysta.

Gudaha gabaad dalka Thailand ku yaalla, si kastaba, waxaa ku yaalla goob loogu tala-galay in eeyaha la nacay iyo kuwa cuuryaamay oo ku dayacan jidadka lagu daryeelo. Waxaana ku sugan ku dhawaad 1,000 eeyo ah oo qaar badan ay naafo ka yihiin xagga addimada.

Maanta kaddib, aan ka fikirno sida noolaha nala nool aan u ilaalin karno xaqa noolaanshiyaha oo ay ku leeyihiin adduunyada guudkeeda. Waana tallaabta ugu yar oo aan qaadi karo.

Mahatma Gandhi wuxuu leeyahay ‘weynida ummadi leedahay waxaa lagu gartaa sida ay ula dhaqanto xayawaanadeeda.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!