crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maqaayadda Kalluunku ku dhex dabaasho + Sawirro. | HimiloNetwork

Maqaayadda Kalluunku ku dhex dabaasho + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Kalluunku wuxuu asalba ku nool yahay baddaha iyo webiyada, waxaana dhacda in dadku badigood ay aadaan badaha si ay usoo arkaan. Laakiin hadda gudaha maqaayad ku taal Khanom, dalka Thailand, uma baahna inay badda u dalxiisaan. Waayo waxay kula kulmi karaan gudaha maqaayadda iyaga oo weliba sida badda lugala kula jira biyo jooggoodu nus mitir yahay oo kalluunku ku dhex dabaalanayo si xor ah.

Nuucyo kala duwan oo kalluun ah ayaa ku jira waasko-la-moodka ay kuraastu dhex taal oo macmiisha maqaaxidu ay fadhiyaan.

Sweet Fishs Café waxay soo caan baxay bishii hore markii muuqaalkeeda uu ku baahay baraha bulshada. Waxaana sida dab qabsaday keyn ballaaran uu ugu fiday facebook iyo instagramka. Waxaana soo xigtay warbaahinta caalamiga ah. Laakiin weli goobta ay maqaaxidani si gaar ah uga taal magaalada Khanom lama shaacinin. Qaar ayaa ku qalday maqaayad kale oo ku taal fiyitman oo sidaan oo kale kalluunku ugu dhex dabaasho ayaa kolkii hore la mooday, laakiin waxaa cad inaysan ahayn balse ay ku taal dalka Thailand.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!