crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sida loogu diirsaday halgankii laamiga looga dhex dusiyay buurta oo dadkeedu ku tanaadeen + Sawirro. | HimiloNetwork

Sida loogu diirsaday halgankii laamiga looga dhex dusiyay buurta oo dadkeedu ku tanaadeen + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Shenlongwan waa xaafad ku dhex qarsoon buuraha Taihang ee dhaca gobalka Shanxi. Aad bayna ugu adkaan jirtay dadka xaafadda inay dibadda uga soo baxaan. Waxaa qasab ahayd in qof walba oo kasoo baxaya uu soo fuulo gebiyada buurta oo ku qaadan jirtay ku dhawaad lix saacadood si ay tubaha jaranjarada iyo toobiyaha isugu jira ugu soo dhacaan.

Sannadkii 1989-kii, dadka xaafadda ayaa, si kastaba, go’aansaday inay waddo dhex marsiiyaan buurta laftigeeda si ay u maraan – iyaga oo adeegsanaya agabyada qodaalka iyo duminta kadibna maalinba in yar ka duminaya.

Zhou Haiyu oo kamid ah saraakiisha xaafadda ayaa yiri: “Dad oo dhan – lab iyo dhedig, carruur iyo cirroole – waxay naftooda u hureen inay laami dhistaan waqtigaas. Waxaan ku nooleyn nolol silic iyo harjad badan. Waxaan go’aansannay in dhismaha laamigan si kastaba lagu dhiirrado.

Dadka xaafadda si kastaba, waxay muruqooda, maskaxdooda ku bixiyeen hirgelinta mashruucan aadka u adag. Waxayna usoo dhidideen muddo dheer. Sannadkii 2000, ku dhawaad 1,500 oo mitir ayaa la dhammeystiray. Muddaas qodaalku socdayna, afar qof oo xaafadda kamid ah ayaa uga dhintay halganka.

Duleeli meel kadibna dhex dhig walxaha qarxa si dhagxaantu u kala daataan kadibna kasoo xaaq harharka iyo dhagaxda – waxay ahayd habkii ay u adeegsan jireen duminta buurta.

“Hu Shulin wuxuu qabay cudurka Kansarka. Wuxuu sheegay inuu dhimanayo balse uu doonayo inuusan rafaadkaas uga tagin ubadkiisa dambe – laakiin uu xal waara ugu helo mushkiladdaas si aysan ugu dhibtoon. Hal-adeygnimadiisuna waa guuleystay,” ayuu yiri Haiyu.

“Sidaas darteed wuxuu iska iibiyay naxashkiisa kadibna wuxuu ka helay lacag dhan 40$ kuna deeqay mashruuca si wax loogu qabto. Wuxuu sidoo kale shaqada qeyb ka ahaa muddo saddex bilood oo xiriir ah ilaa muggii dambe uu tahli waayay inuu wax ka shaqeeyo. Marka gurigiisa ayuu kusoo noqday. 40 maalmood kadibna wuu geeriyooday.”

Markii dhismaha laamiga uu dhammeystirmay, hadda waxay qaadanaysa saacad inaad ku gaartid kagana timaadid xaafadda. Waxaana si mid ah u wada adeegsada gaadiid yaryar iyo waaweynba isugu jira.

Waxaa sidoo kale dhismaha laamiga la dhex dusiyay buurta uu soo jiitay indhaha dalxiisayaal badan madaama buurta iyo hareeraheeda ay sidoo kale leeyihiin dhir iyo dabeecad dhaayaha u fiican oo lagu ildoogsado.

“Markii laamigu noqday mid la adeegsan karo, uma baahanin inaad in badan dibadda u baxno si aan shaqooyin u raadsanno,” ayuu yiri Zhou Hongqi oo dadka xaafadda kamid ah.

“Hadda innaga oo guryaheenna joogna ayaan lacag sameyn karnaa; wayna ka wacan tahay inaan banaanka u shaqo tagno.”

Dadka xaafadda waxay sidoo kale dhisteen 85 aqallo iyo guryo ah. Sannadkii 2017-ka oo kaliya, dalxiisayaal lagu sheegay inay dhamaayeen 350,000 ayaa soo booqday xaafadda oo dadka ku nool ay yihiin 728 qofood.

“Innaga ahaan, dhismaha laamigan aan ka dhex dusinnay buurta wuxuu noqday mid aan goroftii ceyrta isaga ridnay iyo tubtii barwaaqo sooranka,” ayuu yiri Haiyu

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!