crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Monkey Mia – Meesha Qura oo ay ku kulmaan Badbaadisooyinka + Sawirro. | HimiloNetwork

Monkey Mia – Meesha Qura oo ay ku kulmaan Badbaadisooyinka + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Kalluunku waa noolaha kaliya ee reer badeedka ah oo ay dadku arkaan inta badan ama ay cunaan. Laakiin in yar oo xattaa kamid ah kalluumaysatada, waxaa ku adag inay joogto u arkaan badbaadisada ama dolphin.

Hayeeshe, xeebta Monkey Mia oo dhacda galbeedka dalka Australia waa meesha ay sida maalinlaha ah ugu kulmaan badbaadisooyin badan. Monkey Mia waxay awal ahayd bar doonleydu ay ku quudiyaan kalluumada marka ay dulmarayaan. Laakiin, marwalba oo kalluumada ay tuurayaan ay sii bataanba, waxaa dhacda inay sidoo kale bartilmaameed u noqo xayawaanka badbaadisada la yiraahdo. Waxayna noqdeen kuwo aad ugu tiirsan deeqda ay qeybiyaan dadweynaha iyo doonleyda ee kalluumada loogu daadiyo badda.

Laakiin dhib kale ayay la timid madaama tira badidoodu ay sababtay in kooda yari uu ku noolaan waayo meeshan looga xoog badan yahay. Hadda maareyntooda iyo la socodka cunnadooda waxaa la wareegay dowladda hoose.

“Waxaan kaliya quudinaa wax ka yar 10%,” ayuu yiri Luke Skinner oo ah isku duwaha howlaha xeebta. “90% iyaga ayaa gudaha u dhaadhacaya oo calooshooda soo buuxsada – innaguna waxaan qaadnaa baakado ay cunnooyin ku buuxaan, haddii ay muujiyaan rabitaan waan u tuurnaa.”

Subax walba ay halkan soo booqdaan. Waxaana tirada sannadle u timaada halkan lagu qiyaasay inay gaarayaan 100,000 oo badbaadisooyin ah. Mana jirto meel lamid ah dunida kale. Booqdayaasha ayaa, si kastaba, la kulma; la falgala; waxna ka ogaada baxaalliga iyo nolosha badbaadisooyinkan.

Monkey Mia waxay hoy u tahay ku dhawaad oo jaadka bottlenose loo yaqaanno ah oo badbaadisada kamid ah. Laakiin shan kamid ah dhedigoodka badbaadisooyinka ayaa la quudiyaa. Haddii kuwa xiiseeya la kulanka badbaadisooyinka ay dhibsadaan aragtida mid iyo labo ka badan kuwii ay horay u arki jireen, waxaa kuwa gunta shishe ee badda jooga loo tababbaraa markooda inay dadka la falgalaan si dalxiisku uusan uga joogsan dadkuna ay hadiyo jeer u yimaadaan.

Dadka qaar ayaa ku doodaya in quudinta badbaadisooyinka ay sababi karo saameyn caafimaad oo kaga timaada dhinaca taranta ama xanuunno ay ka qaadaan waxa la siinayo oo ku keena cudurro. Laakiin bahda caafimaadka ayaa boorinaya cagsigeeda. Waxayna Monkey Mia u arkaan barkulan muhiim ah qeyb kamid ah jiritaanka badbaadisooyinka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!