crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Dhaqtarka Ilmaha Faruuran ee Saboolka u sameeya Qaliimo lacag la’aan ah. | HimiloNetwork

La kulan – Dhaqtarka Ilmaha Faruuran ee Saboolka u sameeya Qaliimo lacag la’aan ah.

MUQDISHO (HN) — Dhaqtar ku nool dalka Hindiya waxaa loo yaqaan halyeyga dadka saboolka ah madaama uu noloshiisa inta ugu badan u hibeeyey caawimada ilmaha faruuran ee kasoo jeeda qoysaska saboolka ah – ilaa iyo hadda wuxu qaliimo u fuliyay dad lagu qiyaasay 37,000.

Faruurnimadu waa dheeli xagga afka ah oo ay ilmuhu la dhashaan kaas oo kasoo bilowda xilliga uurka iyo koriinshaha ilmaha ee uurjiifka. Dhibaatooyin badan ayay faruurnimadu sababtaa sida in ilmuhu afka ku qabsan kari waayo naaska hooyada si uu caanaha u jaqo iyo takoor iyo ceebeyn ay kala kulmaan bulshada marka ay hana-qaadaan.

Sida kaliya oo lagu hagaajin karana waa in qaliin lagu sameeyo. Qof walbase uma fududa siiba bulshooyinka saboolka ah ee miyiga ku nool. Laakiin gudaha Hindiya, hal nin ayaa usoo baxay dadkaas danyarta ah oo agtooda halyey umadeed ka noqday kaas oo qaliimadiisa ay ka faa’iideen kumaankun qoysas sabool ah oo aan awal awoodi karin inay iska bixiyaan qarash faruurta loogu hagaajinayo ilmahooda.

Wuxuu ka dhashay qoys sabool ah oo kasoo jeeda gobalka Utter Pradesh, waxaana lagu magacaabaa Dr. Subodh Kumar Singh kaas oo xaaladii adkeyd oo uu kusoo koray ay wax ka beddeshay aragtidiisa la xiriirta gurmadka iyo wax u qabashada kuwa sidiisa oo kale danyarnimada ku nool. Wuxuu iska diiday inuu lacag ka sameeyo kaalmayntooda. Markii aabahood uu dhintay isaga oo aad u yar, saddexdiisa walaalood ee ka weyn iyo isaga waxay ku noolaayeen inay la halgamaan dhacsiga nolosha iyaga oo hab garab-rarato ah jidadka magaalada wax ugu iibiya.

Saddexdiisa walaalood ee ka weyn waxay wax-barashadooda uga hareen si ay reerka ugu filnaadaan hunguriga, halka Subodh ay ka taageereen riyadiisa ah inuu dhaqtar noqdo. In kasta oo ficilkaas ay u sameeyeen walaaladiis uu rogaalkeeda wax badan iyagana ugu qabtay isaga oo ka mahadnaqaya, haddana wuxu geesta kale ku guuleystay inuu ugu dambeyntii gaaro hadafkiisa. Wuxuuna dhameeyey jaamacadda isaga oo cilmigii uu rabay ku gaaroobaya oo ah qaliimada.

In yar kaddib shaqadiisana, wuxuu ku baraarugay xaddiga dhibaatada qoysaska danyarta ah ka heysata helidda qaliimo lacag la’aan ah oo carruurtooda faruuran loogu sameeyo. Waana markii ay timid inuu si shuruud la’aan ah wax ugu qabto. Waxaana ficilkiisa ku baraarugay hey’adda caalamiga ah ee Smile Train oo ah midda dunida oo dhan u qaabilsan qeyb ahaan, qaliimada dadka faruuran. Tani waxay u fududeysay inuu dad badan caawin karo goor walba.

Taniyo sannadkii 2004 ayuu halgankiisa ku dhex jiraa. Wuxuu caawiyay in ka badan 37,000 oo dad ah kuwaas oo ku nool dalka Hindiya oo dhan.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan caawiyay in badan,” ayuu yiri. “Hal qaliin oo aan sameeyo wuxuu wax ka beddelaa nolosha qof iyo qoys. Mana jiro wax iiga farxad badan inay dadku isku aqbalaan ficillada aan sameyno ama ay si niyad leh u midoobaan iyaga oo aan isku eedeynin abuurka Eebbe.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!