HomeSahankaWebiga ugu 'Dhuuban' Caalamka+ Sawirro.

Webiga ugu ‘Dhuuban’ Caalamka+ Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Hualai River oo ku yaalla dalka Shiinaha waxaa ilaa hadda loo og yahay inuu yahay webiga ugu dhuuban caalamka oo meeshiisa ugu ballaaran ballac ahaan ay la’eg tahay ama dhan tahay in yar oo centimerro ah.

Webiga Amazon waa kan ugu ballaaran baaxaddiisa labada dhinac oo ay isku jira fogaan dhan lix meyl (6 mile) marka uu gaararka jabsado oo biyihiisu fatahayaan waxaa ballaca labadiisa dhinac (oo loogu kala gudbi karo) ay isku jiraan 24 meyl (24 mile).

Laakiin webigana waa midkii ugu ballaca yaraa inta la ogaaday kaas oo aad lugtaada uga gudbi karto adiga oo weliba aan ka dulboodin. Webiga Hualai wuxuu dhacaa waqooyiga Shiinaha waxaa khubarada dalku ay sheegayaan inuu muddo soo jireen yahay webigani oo ballaciisa lagu qiyaaso nus mitir. Wuxuuna dheer yahay fogaan dhan 17 kilomitir.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments