crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sida la iskugu ‘toobi jiray Geesaha Lo’da’ oo maanta weli dunida qaar looga dhaqmo + Sawirro. | HimiloNetwork

Sida la iskugu ‘toobi jiray Geesaha Lo’da’ oo maanta weli dunida qaar looga dhaqmo + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Faa’iidooyinka laga helo toobinka ma ahan mid halkan lagu soo koobi karo. Kasokow in Suubanaha NNKH uu istoobay, haddana aad baa maanta runtii loogu baraarugay wax-ku-oolnimada toobinta.

In kasta oo toobinta casriga ah ee maanta loo adeegsado dhalooyin ama quraarado, dhaqankani waxaa dib loogu celin karaa 1500 kahor dhalashadii Nebi Ciise markaas oo aysan jiri jirin dhalooyinka. Laakiin waa geesaha lo’da kuwa loo adeegsan jiray, walow bambuuga ama dhalooyinka ay maanta noqdeen kuwa qura ee si weyn loogu tiirsanaaday loogana maarmay geesaha.

Laaakiin meelo badan iyo siyaalo badan weli waxaa geesaha lo’da loo adeegsadaa in la isku toobo.

Ganacsiyada yaryar ee aan u baahneyn in lacag badan lagu bixiyo ayuu kamid noqday habtoobinta geesaha lo’da, waxaase jira saameynno caafimaad oo laga soo werinayo sida xumad, xanuun jirka ah iyo dalanbaabinimo. Hayeeshe, weli laguma sugin baaritaan caafimaad oo lagu ayidi karo.

Dad badan oo caan ah ayaana doorbida inay tijaabiyaan. Marka laga soo tago tuhubka xagga saameynta caafimaadna, waxaa kale oo qofka lagu toobo lagu arkaa kurtumo ama hurgumooyin muuqda oo leh muuqaalo u eg sida bombale.

“Waxaa jira kuwa kale oo adeegsada dhalooyinka iyo wixii la halmaala,” ayuu yiri Awin Saksena oo ah toobe. “Laakiin annaguna waxaan adeegsannaa geesaha lo’ duureedka ama Kissiga.”

“Qarniyaal ayaa lagu soo dhaqmay adeegsiga geesaha lo’da mana laga soo werin saameyn caafimad; taas cagsigeeda waxaa qofkii lagu toobo uu ka helaa firfircooni iyo dhiigga oo si fudud isugu dhex gudba jirka oo dhan.”

Halis kale ayaase iska cad inay kasoo muuqanayso shaqadiisa. Sababta oo ah isla adeegsiga geeso qura oo lagu wada toobayo dadweyne kala duwan waxaa lagu kala qaadayaa cudurro iyo infection. Laakiin taasi kama horjoogsato kuwa jecel inay habkaas isku toobaan. Waayo aad bay uga raqiisan tahay habka casriga ah ee maanta la wada adeegsadso. Waana ka muddo yar tahay.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!