crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Eyga Shacabka Istanbul la raaca Gaadiidka Dadweynaha + Sawirro. | HimiloNetwork

Eyga Shacabka Istanbul la raaca Gaadiidka Dadweynaha + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Boji waa ey dibjir ah oo ku nool Istanbul kaas oo caan ka dhex noqday gaadiidka dadweynaha ee laga adeegsado magaalada sida basaska, tareennada iyo wixii la halmaala.

Ey adeegsanaya gaadiidka daweynaha si uu halka uu rabo u gaaro waa mid aan wali la maqal lana arag. Laakiin dhawanaahan dadka reer Istanbul ayaa joogto ula kulma maalin walba ey la raacaya gaadiidyada la adeegsado si uu u gaaro meelaha kala duwan ee magaaladan qadiimiga iyo inuu xattaa labada qaaradood ee Asiya iyo Yurub isku dhaafo.

Ma cadda goortii Boji uu bilaabay dhaqankiisan. Balse dadka magaalada ayaa sannadihii dhawaa joogto ula kulmayay isaga oo la raacaya gaadiidka. Sawirro laga soo qaaday isaga oo siyaalo iyo waqtiyo kala duwan u saaran gaadiid kala jaadka ah ayaa ku baahay baraha bulshada halkaas oo uu hadalheyn ka abuuray.

Heer wuxuu hadda marayaa uu yeesho koontooyin baraha bulshada ah oo lasoo dhigo socdaalkiisa joogtada ah sida twitter, instagram, facebook iyo wixii soo raaca. Marka loo eego waaxda socdaalka dowladda hoose ee Istanbul, Boji wuxuu tagaa baro gaaraya 29 busteejo maalin walba oo qaarkood si uga safro – toddobaadkii waxaa la sheegay inuu safro celcelis dhan 30km.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!