crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Jaceylkii dhex maray Sac iyo Haramcad + Sawirro. | HimiloNetwork

Jaceylkii dhex maray Sac iyo Haramcad + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Muuqaal aad u baahay oo ku saabsan sac iyo haramcad si ramasho leh isku weheshanaya meel kamid ah miyiga fog ee Hindiya ayaa lama filaan iyo la-yaab sunniyaha dheygag lala taago ku noqday dad badan kuwaas oo is weydiiyay sida uu kalgacal ku dhex mari karo labo aan isku dhigmin ama aan la isku qaadi karin.

Meesiga lo’da iyo Haramcadku dhaqan ahaan waa iska caadyaal inaysan saaxiibtinimo yeelan karin oo ay qasab tahay in midkood uu dhinto kolka ay kulmaan. Laakiin muuqaalkan laga soo qaaday sheekada labadan xayawaan waxay sheegaysaa arrin ka duwan middaas. Waxaana qisada jaceylkoodu uu soo jireen ahaa muddo 20 sanno ah. Qofna ma rumeysteen haddii sawiraddani aan laga soo qaadin siyaalo kala duwan oo habeen iyo dharaar isugu jira. Hayeeshe, sida la tilmaami karo, waa xiriir kusoo bilowday goor hore oo if usoo baxooda ah oo ay aad u yaraayeen labaduba.

Aad baa runtii la iskula qaadaa-dhigay sirta noloshooda loona buunbuuniyay. Haddaanuse jiri lahayn sawiro laga tixraaco, cidna ma aaminteen. Waxaase ugu dambeyntii lagu tilmaamay mucjiso iyo doonis Eebbe oo tiisa un ku hirgashay.

Gobalka Assam meel kamid ah ayaa lala xiriiriyay inay sheekadani ka dhacday. Qaar kale ayaase sheegaya inay tahay Gujurat oo ah gobal kale oo Hindiya kamid ah. Sannadkii 2002 ayaa markii ugu horreysay sheekadooda lagu daabacay mareegta Times of India. Waxaana taniyo kolkaas siiba waqtigii uu bilowday adeegsiga baraha bulshada ayuu si weyn u qabsaday.

Bishii October, 2002 dadka xaafadda Antoli waxaa la yaab iyo dheygag ku noqday aragtida haramcad si nabdoon ugu soo dheelmada moorada lo’da habeenkii isaga oo doonaya inuu si gaar ah uga wehesho mid kamid ah nafleyda ku jirta.

Sida uu qoray website-ka, laduba markaas waxay iskaga soo dhawaadaan inta kale – iyaga oo ammin u gaar ah oo aan walwal iyo tuhun ku jirin u qeybsanaya. Sawirada laga soo qaaday – kuwaas oo muujinaya labadooda oo aad iskugu dhow – ayaana ayidaya warkooda.

Dadka xaafadda oo baraarug kaddib doonay inay ammintooda gaarka ah duubaan ayaa awooday inay si kastaba ka qabtaan sawirradan. Mid ayaase aad isku dhintay. Waana markii uu haramcadku dareemay xuuraansiga dadka kolkii uu yareeyey booqashadiisa joogtada ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!