MUQDISHO (HN) — Tareenka ugu dheer dunida ayaa sannadkan u dabaaldagaya sannad-guuradii 175aad. Waana midkii ugu horreeyey ee laga dhiso dalka Switzerland. Waxaana uu dhererkiisu gaaraya 1.2 mile ama ku dhawaad 2 km.
Wuxuuna dhex maraa buuraha quruxda badan ee Switzerland. Buugga dhacdooyinka dunida lagu keydiyo ayaana uu ku galay diiwaanka. Boqol gaadiidka dadweynaha qaadkooda ayuu ku filan yahay inuu mar kaliya qaado.
Aad baa runtii taxadarkiisu u sarreeya. Waxaana loo qaabeeyey inuu xaalad walba iyo goob iyo goor kastaba uu rakaabku dareemo xasilooni iyo bedqab. Meelo qurxoon ayuu dhex marayaa kuwaas oo rakaabka siinaya fursad ay dhirta qurxoon iyo cimilada macaan ku raaxaystaan. Wuxuu inta badan galaa safar ka badan fogaan ahaan 25 km.
Saacadiina wuxuu jari karaa 35km. 3000 oo qofood ayaa ku safri karta mar kaliya. Si kastaba, kolkii la duubayay sheekadiisa, waxaa loo adeegsaday 19 kaamerooyinka oo ay ku jiraan daroonis iyo helicopterro.
You must log in to post a comment.