crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> “Waxaynu nahay Jaarkiinna” — Masaajidda oo albaabada u furaya deriskooda. | HimiloNetwork

“Waxaynu nahay Jaarkiinna” — Masaajidda oo albaabada u furaya deriskooda.

MUQDISHO (HN) — Rejada ah in dadka la baro Islaamka, bulshada ku nool Fargo-Moorhead ee North Dakota ayaa iridaha u furaya dadyowga la nool si ay usoo booqdaan masaajidda una helaan xogo iyo macluumaad ku saabsan Islaamka iyo Muslimiinta. Waxaana jaarka masaajidda loogu yeeray inay jeer walba soo geli karaan si ay ula hadlaan ugana bogtaan jawaabaha.

Tallaabtan ayaa looga gol-leeyahay in lagu fududeeyo isdhexgalka iyo wada noolaanshaha bulshooyinka kaddib markii dhawaanahan ay baaheen falal kadhan ah Muslimiinta oo naceyb iyo gacan ka hadal iskugu jira.

“Waxaanu dooneynaa inaan dadka maskaxdooda ka meyrno fikradaha xagjirnimada ah oo ay ka qabaan Islaamka iyo Qur’anka,” ayay tiri Mary Habib, oo kamid ah isku duwayaasha barnaamijka.

Aalaaba kuwa naceybka la nool waxay beegsan jireen masaajidda iyo gabadha Muslimadda ah ee xijaaban. Laakiin hadda xabaalaha ay ku aasan yihiin Muslimiinta gidaaraddooda ayay ku qoraan ereyo naceyb ah.

Si kastaba, boqollaal deriska ah ayaa cunnooyin bisil, cabitaanno iyo sheekooyinka kula dhex qaatay gudaha Masaajidda Muslimiinta magaalada.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!