MUQDISHO (HN) — Aan waa macalimad iyo hooyo qurux badan. Laakiin aan helin nimcadii aragga. Mana ahan kaligeed. Waxaa tabteeda oo kale ah inanteeda oo aan wax arki Karin.
Uma noola sida indhoolayaal badan oo u baahan in hadiyo jeer la hago ama la gacan qabto. Sida kuwa caadiga ah ayay wax walba qabsan kartaa. Waxay soo dersataa biyaha ka socda tubada; karsan kartaa cunnadeeda; iyo wixii la halmaala.
Balse tani waa un kaliya hal dhinaca oo sheekada nolosheeda ku saabsan. Kawaran intaas oo dhan, haddii ay usii dheer tahay shaqada macalinimada. Waxay iskuulka ay dhigto ka bixisaa maadada afka Ingiriiska.
Hayeeshe ma oga waxa kaga dhacay aragga. Habeen ay nabad ku seexatay ayuu waagu ugu baryay iyada oo indhaheedu saaran yihiin dahaar cad oo aan waxba arki Karin. Waxay toban jir waagaas.
Qofkasta oo maqlay kediska naxdinta leh ee lasoo dersayna waxay la noqotay qaadaan-waa. Xattaa iyadu maba fileyn in xaalkeedu sii jiri doono. Nolosha uma fududeyn. Waxaa ku adkeyd inay hesho is-aqbalid nafsi ah oo xaaladda ay gashay ku saabsan.
Laakiin waxay ku qasbaneyd inay wax-barasheeda sii wadato. Guul iyo gunaanad qurxoon ayayna ku dhameysay dusgiga sare iyo midda tacliinta sare.
La-qabsi muddo dheer oo arag la’aanta ah kaddib, hadda waxay caadi ugu nooshahay sidii ay u nooleyd xanuunka kahor. Kumana adka la-jaanqaadka dhacdooyinka. Xattaa helidda lammaane nolosha la qeybsada way heshay. Balse – rejadii ay ka qabtay inay dhasho ilmo dhameys ah oo nimcada aragga heysta – waxay soo idlaatay habeenkii ay dhashay inanteeda.
In kasta oo seygeedu ahaa aabbe fiican oo daryeelka reerkiisa u nool, haddana nasiib uma yeelan inuu garabkoodu sii buuxiyo. Wuxuuna geeriyooday sannad kahor.
Aan iyo inanteedu ilaa iyo hadda nasiib uma yeelan inay isku arkaan dunidan quruxda badan dhexdeeda. Sida qura oo ay isku dareemaanna waa taataabashada iyo dhunkashada.
Mana qorsheynayso hadda iyo goor u dhow inay sey labaad guursato. Waxa qura oo u sawiran waa korsiga inanteeda iyo inay meel fiican mustaqalkeeda ku ogaato.
Laakiin rejada ah inay dib wax u aragto wali kama dhiman. Dhowr jeer oo isbitaallada ay tagtay, waxaa loo sheegay jiritaanka suuragalnimooyin dhowr ah oo la xiriira dib u hanashada wax un kamid ah aragtideeda. Waayaha ayaase ku xirxiray tiirar adag oo ma helin qof iyo qaran si samafal ah uga bixiya lacagta adag ee loogu sameyn karo qaliinka indha-fiiqidda ah.
Inta taas ka sokeysa, Aan waxay aroor walba usoo jarmaadaa inay wax u dhigto ardayda iskuulka ay baraha ka tahay. Sheedda marka aad ka eegto, kama duwana barayaasha kale ee aragga leh. Aqoonta ay u yeelatay dhex maritaanka iskuulka iyo kalsoonida qofnimo ee ka muuqata ayaa siinaysa isku filnaan.
Adeegsiga farta indhoolayaasha oo la yiraahdo Bareyl wuxuu u sahlayaa inay si fudud wax ugu meeriso ardayda.
Aad bay ugu fiican tahay dhigista maadada loo xulay. Ardaydeeduna way jecel yihiin soo jeedinteeda. Laakiin iyada ahaan, uma sahlana, waqtiyadan oo kalana waa gooraha ugu adag nolosheeda maalinlaha ah. Marka qura oo ay qof dheeraad ah uga baahato fulinta waajibkeeda, waa marka la gaaro xilliyada imtixaanka oo qof ka saxa ardayda ay u baahan tahay.
Dhiirrigelin iyo hal-adeygnimo ayay kusoo gaartay heerka maanta ay joogto oo mid jaamacadeed ah. Saadaashuse uma sahlana. Deegaankeeduna uma diyaarsana nolosha dadka sideeda oo kale qaba baahiyaha gaarka ah sida waddooyin u gaar ah oo ay ku socdaan ama habab u fududeeya noloshooda maalinlaha ah.
Taariikh cusub ayayse ka sameysay iskuulkan oo la aas-aasay 1920-kii kaas oo weligiis qaadan macalin nimcada aragga la’. Tusaale fiican oo ku dayasho mudan ayay u tahay barayaasha lamidka ah iyo ardayda ay wax u dhigto.
You must log in to post a comment.