crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shisheeyaha guursanaya Sucuudiyaanka oo laga rabo inay maraan tijaabo adag oo caafimaad | HimiloNetwork

Shisheeyaha guursanaya Sucuudiyaanka oo laga rabo inay maraan tijaabo adag oo caafimaad

Jeddah (Himilonews) – Qeyb kamid ah dadaal lagu xadidayo ku adkeynta ajaanibta guur-doonka ku ah gabdhaha Sucuudiyaanka ah, dowladda dalkaas ayaa waajib uga dhigtay guur-doonka aan u dhalin Sucuudiga inay maraan baaris caafimaad oo la xiriirta daroogada iyo maandooriyaha kahor guurkooda.
Xeerkan cusub oo ay jideysay dowladda Sucuudiga ayaa han-qal-jabinaya guursiga dadka aan u dhalan Sucuudiga – halka sidoo kale laga rabo ajaanibka guursada gabar Sucuudi ah inuusan kadib guurkooda lasoo bixin astaamo la xiriira caadaysi maandooriye iyo wixii lamid ah.
Wasaaradda caafimaadka dalkaas ayaa sharciga kaga dhawaaqday inuu ka dhaqan-galo guud ahaan xarumaha caafimaadka ee Sucuudi Carabiya.
Ajaanibta – lab iyo dhedig – waxaa laga doonaya inay maraan tijaabo caafimaad oo la xiriira isticmaalkooda maandooriyaha iyo wixii lamid ah kahor intaysan guursanin gabar ama wiil Sucuudi u dhashay. Tani waxay noqoneysaa mid kamid ah shuruudaha adag ee xadidi doona is-guursiga gayaanka  kala fog dhalasho ahaan.
“Xaqiiqdii, tijaabadan ku saabsan hubinta heerka isticmaal ee la xiriira qaadashada maandooriyaha ee qofka aan Sucuudiyaanka aheyn waa qasab inuu maro haddii uu doonayo inuu guursado gabar Sucuudi u dhalatay,” ayuu yiri Mishaal Al-Rabian, madaxa xiriirka caafimaadka ee dowladda Sucuudiga.
Wuxuu xusay in tijaabadani ay kaliya gaar ku tahay dadka aan Sucuudiga u dhalan.
Taniyo bishii October, waxaa jiray xeerar cusub oo loogu tala-galay in lagu xadido guursiga kala fog  dhalasho ahaan ee u dhaxeeya Sucuudiga iyo kuwo aan Sucuudiyaanka aheyn taas oo sababtay furriin tira badan.
Xeerka ayaa ku jira in dhedigtaan Sucuudi aheyn ee guursata lab Sucuudi ah inay heli ama waayi karto dhalashada Sucuudinimada. Waxaa sidoo kale la tilmaamay in da’da labada lamaane ee kala fog dhalasho ahaan ee is guursanaya aysan kala weynaan wax ka badan 10 sanadood.
Wasaaradda garsoorka ayaa sheegtay in isguursiga ka dhaxeeya wiilasha Sucuudiga iyo gabdhaha aan Sucuudi aheyn ay gaartay wax ka badan 3500. Halka dhedigoodka Sucuudiga ee guursada wiilasha aan Sucuudiga u dhalan ay ku dhowdahay 3500.
Warbixinta ayaa xustay in tirada garoobada la furay ay gaartay 40,000 snaadkii 2015.
Dalka Sucuudiga ayaa guri u ah 10.5 malyuun oo ajaanib ah oo tirada dadweynaha dalkaas kaga fadhiya 25%. Badigood oo ka yimid dalalka Afrika, Aasiya iyo Yurub waxay dalkaas ka qabtaan shaqooyinka xoojinta iyo adeegyada yaryar la xiriira.
Isha: Radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!