Gabdhaha reer Siiriya oo u dhaxeeya qax iyo guursi
Posted by: Zakariya
in Wararka
December 16, 2016
745 Views
Jordan (Himilonews) – Gudaha xarun daryeelka hooyada oo ku dhex taal xero ay ku nool yihiin qaxooti Siiriyaan ah oo ku taal Jordan, Elham waxay dhabta ku heysataa cunugeeda 11-bilood jirka ah oo ooynaya – waxyar kadib markay aamusin kari waysana waxay u dhiibaysaa hooyadeed oo ag-fadhida si ay huuwaayeeso. “Markii aan wax dhalay, waxaan dareemay shucuur hooy0-nimo; waana farxay,” ayay ku tiri afka turjume ag-taagnaa. “Hadda waxaan ahay marwo xaas ah.” Elham waa 17-jir waaya’aragnimadeeduna waa mid guud oo ay la wadaagto gabdhaha kale ee reer Siiriya.
Waxay sheegtay in gabdho badan oo xerada kula jira ay sidoo kale noqdeen hooyooyin oo ay kamid tahay gabar 15-jir ah oo hadda un dhashay.
Marka loo eego hey’adda maal-gelinta dadweynaha ee UN-ka, tirada gabdhaha aan si fiican u korin ee wax dhalay aad bay u badanayaan. In ka badan 15 malyuun oo gabdho ah ayaa la guursadaa kahor intaysan gaarin da’da 18-jirka. Waxaa la rumeysan yahay in ku dhalista da’da hore ay halis ku keento gabdho badan oo isugu jirta waxyeelo ama dhimasho ku timaada markay dhacdo inay uureystaan kahor inta jirkoodu uusan si dhameystiran isku raacin.
Taniyo markii hey’adaha qaar ee QM ay ka howl bilaabeen gudaha xeradan ku taalla Jordan, in ka badan 6,500 oo dhalaan ah ayaa la dhalay – kuwaas oo badigood ay hooyooyin u yihiin gabdho aan gaarin da’da 18-jirka.
Urur lagu magacaabo Gabar Maya Yarad oo Siiriyaan ah ayaa sheegay in 13% gabdhaha dalkaas ee dagaallada ku jira lagu guursado kahor da’dooda 18-jirnimada. Hayeeshe, tirada gabdhaha reer Siiriya ee qaxootiga ku ah Jordan ee lagu guursado kahor da’da 18-jirka aad bay uga sarreysaa meel kale.
Waxaa jira caqabad bulsho oo dib loogu celin karo sababaha guursi ee gabdhahan da’da yar, marka loo eego hey’adda QM u qaabilsan maal-gelinta dadweynaha. Dhibaatooyin nololeed ee ay ku nool yihiin qoysas badan oo Siiriya kasoo qaxay ayaa sababta inay gabdhahoodu guuriyaan si ay u helaan lacag iyo masruuf kale oo ay ku dabaraan noloshooda ama ay sidoo kale faraxumeeyaan ragga xeryaha kula jira haddii aan lala dadab-gelin.
Markii Elham ay kasoo qaxday dalkeedii sanadkii 2012, maysan filaneyn inay laba sano kadib marwo laqabo ku noqon doonto da’da 13-sano jirka oo ay u hoyan doonto ina adeerkeed ka weyn. Waxay sheegtay inaysan doorashadeedu ahayn mid jaceyl ama kalgaceyl ugu timid balse ay aheyd wax kasii dheer labadaas oo ah inay gabarnimadeeda ku ilaashato guur xalaal ah.
Waxay tilmaamay inaysan waligeed dugsi xaadirin; waana sababtan mid kamid ah sababaha durjinaya ku guursiga da’da yaraanimada. Badigood lama socdaan halista jir ahaaneed ee ay kala kulmi karaan noqoshada hooyo jeer aysan wali is wada raacin. “Waa caqabad; wayna adag tahay inaad ka dhaadhiciso inaysan da’dan ku guursanin,” ayay Samah oo katirsan UNFPA.
Samah waxay sheegtay inay aragtay ragga qaba gabdhahan da’da yar ku guursaday oo doorbidaya inay kala durjiyaan heerarka dhalmada ee inamada ay ceeriinka ku naageeyaan. Waxay jecel yihiin inay isticmaalaan dawooyinka kahor taga uureysiga iyo wixii lamidka ah.
Bisii June, hey’adda xuquuqda aadanaha ee QM ayaa dajisay xeer lagu idleynayo guursiga gabdhaha aan wali qaangaarin – iyada oo ku sheegtay guursigooda fal tacaddi ah o kahor imaanaya xaquuqda aaadanaha.
Balse Elham waxay sheegaysaa hamigeedu inuu kaliya ku koobmay koriimada cunugeeda. “Waxa iigu muhiimsan hadda waa inaan ku dadaaalo korinta cunugayga iyo inaan wax barashadiisa horumariyo. Waxa aan daneynayo waa kaliya mustaqbalka cunugeyga.”
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Zakariya Xasan Hiraal.
Xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-12-16
You must log in to post a comment.