crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wararka | HimiloNetwork | Page 109

Wararka

Damiirku ha shaqeeyo!!

Waxaa soo sawiray bahda Himilonews Markay diintu hab-dhaqan fuliya wayso, dhaqanka ayaa diinta muuna dila. Halkani waa hoyga Maktabadaha ugu wayn Muqdisho. Waa goobta ugu balaaran ee lagu iibiyo buugaagta kala duwan ee aqoonta. Ugu yaraan boqollaal buugag ah ayaa maalintii lagu kala gataa gudaheeda kuwaas oo badigood ka hadla waxbarasho ku saabsan nolosha oo dhan. Haddii nolosha la nool ...

Read More »

Waayihii Mandheera wali halkiisii!!

Qeybtii 4aad; Gu’yaal badan kahor—gaar ahaan intii aanay KDF gudaha u galin Soomaaliya—dadka ku nool Mandheera waxay ku naaloon jireen daganaan iyo dardar xoogan oo dhanka kaabayaasha nolosha ah. Mar kasta oo dowladda Kenya kasii dheerayd fara-galinta Soomaaliya—si toos ah—Mandheera waxay ku raaxaysan jirtay nabad-galyo iyo naruurooyin door ah oo ay kala sinneyd magaalooyinka asaageeda ah. Qabyaaladda ayaa iyaduna waayo ...

Read More »

Waayihi Mandheera wali halkiisii!!

Qeybtii 3aad; 7—sano kahor tirakoob lagu sameeyey tirada ku nool Mandheera ayaa lagu ogaaday inay tahay hal milyan oo boqol kun dhiman. Maanta, sida la rumaysan yahay, tiradaas waxaa ku kordhay ¼ intii ay xilligaas ahayd. Waxaana jira waxyaabo badan oo dib-u-dhigay inay sii kororto. Nabad-galyo xumida iyo dirirta qabyaaladdu waa lagama fursaan halkan. Taniyo markii ay ciidama Kenya gudaha ...

Read More »

Mahadhada ku dahsoon xeebaheenna!!

Muqdisho (Himilonews) – Kadib afar maalmood oo ay xeebaha kala duwan ee hareeraha caasimadda ku teedsan ka baadi-goobayeen wiilkoodii ay baddu la tagtay, maalintii afaraad ee Ciidda ayay ku heleen si lama filaan ah. “Xilli ay quus ku dhawaatay rajadeenni ahayd inaan dib ula midowno meydka wiilkeenna ayaan saakay helnay,” ayuu u sheegay mareegta Himilonews.com mid kamid ah qaraabada meydka ...

Read More »

Waayihii Mandera kala raray wali halkiisii!!

  Mandera oo kamid ah magaalo-xuduudeedka kobtan ku wada yaalla oo ologna la ah dagmada Baladxaawo iyo Sufta, waxay dhacdaa cirirf-dhamaadka waxa maanta loogu yeero Waqooyi Bari Kenya oo ah is-rogga magaceed ee NFD. Si aad ayay magaaaladani u balaaratay. In-ka badan nusqarni oo ay dhidibada u aasneyd, maanta waa mid kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee Kenyada xorta ah ...

Read More »

Waayihii Mandera kala raray wali halkiisii!!

Qeybtii 1aad; Soohdimaha ay wadaagaan dalalka geeska Afrika dhaca, waxaa ku sugan kob seere saddex-xagaley ah oo saddex dal u kala dhanbalmata; taas oo ah mid kamid ah soohdimaha ay dhifka ku ah isla Afrikada hodanka. Soohdintaas saddex-xagaleyda ah waa kobta kala qeybisa saddex kamid ah shanta Soomaali weyntu ab iyo ayba u leedahay. Kobtani waa baaxad-sooraha kala qeybiya xuduud ...

Read More »

Warbixin ku saabsan Mandera, Kenya

  Halkani waa Mandera; magaaladii ugu danbeysay ee kamid noqota dhulkii lo oran jiray degmooyinkii seeraha waqooyi NFD; oo joogadeenna ah mid kamid ah saddexda gobol ee ugu waaweyn toddobada gobol ee Kenyada xorta ah. Taariikhdu waxay ifisaa inay Mandera ahaan jirtay badigeed kob daagsimeed xoolaha lagu foofiyo. Hayeeshe ugu yaraan nus-qarni, gabankii waagaas oo ah gabowga maanta waxay ku ...

Read More »

Tacsi Tiiraanyo leh!!

Muqdisho – Agaasimaha mareegta Himilonews.com iyo dhamaan shaqaalaha iyo howl-wadeennada mareegta, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Ibraahim Cismaan Muudeey oo ku xalay ku geeriyooday laanta saddexaad ee degmada Wardhiigleey. Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo; samir iyo iimaanna uu naga siiyo. Tacsi taas lamid ah waxaa diraya dhamaan dadkii xigtada ...

Read More »

10-ka Dal ee ugu sarreeya Qaxwada Dunida!!

Qeybtii labaad; Hindiya—waa dal dhaca Aasiya. Waa dal, sida Soomaaliya, kasiman magacyada daleed, dadeed, diimeed iyo afeed, waloow diinteenna magaceedu yahay Islaam; huwiyadeenuna tahay Muslim. Hindu ma ahan oo kaliya diinta lagaga dhaqmo Hindiya. Waxaa jira Islaamka oo ah diinta labaad ee Hindiya lagaga dhaqmo, Sikhism, Budha iyo Kiristaan. Caasimaddu waa New Delhi. Honduras—waa dal dhaca koofur Ameerika. Caasimaddiisu waa ...

Read More »

10-ka dal ee ugu sarreeya Qaxwada Dunida!!

Qeybtii 1aad; Qalinkii; Zakariya Hassan. Halka jidka aad maraysaba laga yaabo inaad ku aragto tiro ka badan labo goobood lagu shaaho ah, ashqaraar kuguma dhalinayso in Qaxwada/bunka kamid tahay tobanka shey ee ugu sarreysa quudka maalinlaha ah ee dunida maanta. Soo galista booska saddexaad kadib biyaha iyo shaaha, dalagga qaxwadu wuxuu dunida ka joogaa meel sare. Toban dal ugu soo ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!