crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gocashadii Jaceyl ee Cilmi Boodhari | HimiloNetwork

Gocashadii Jaceyl ee Cilmi Boodhari

Berbera (Himilonews) – Cilmi Ismaaciil Liibaan, oo Cilmi Boodhari ku magac dheeraa, wuxuu noolaa muddadii u dhaxeysay 1900-1937-kii. Waxa uu ku dhashay miyiga magaalada Hargeysa. Ereyga Boodhari, macno ahaan, waa “Border” oo ah “Xad” ahna erey af-Ingiriisi ah. Cilmi, bilowgii noloshiisa, wuxuu u shaqo tegi jiray xadka. Subax kasta hiirta waaberi ayuu xadka ugu shaqo bixi jiray. Markaas ayaa haddii la yiraahdo war Cilmi halkeed jirtay uu si fudud haddeerba ku jawaabi jiray “Boodharkaan jiray.” Halkaas ayay naaneysta Boodhari ka raacday.
Ahaanshaha nin wax jeclaa kasokow, Cilmi wuxuu caan ku ahaa inuu gabyo. Wuxuuna gabayga ka dhaxlay abtigiis. Taas oo ka dhigan hidde ahaan inuu gabaygu kusoo gaaray xiska Cilmi Boodhari.
Noqoshada wiil ah milkiile dukaan rootiga iibiya, waxay u saamaxday inay macmiil u noqoto gabar—taas oo aan kaliya ragaadin noloshiisii—balse raad ku yeelatay qalbiyada lamaane kasta oo jaceyl wadaaga in mahadhadii ay dhigtay ku hal-qabsadaan.
Magaceeda waxaa la oran jiray Hodan. Hodan aqal dukaanka kasoo horjeeda ayay daganeyd. Labadooduba, mid kasta, dareen ka baxsan kaliya inay sheedda un iska arkaan, uma sugneyn. Xittaa is-aragtidu ma ahayn ogaal. Waayo Hodan inay dukaanka Rooti usoo doonato deedna dib-isu-rogto mooyee majirin kulan fool-ka-fooleed madalsan.
Jaceylka Cilmi malgay wuxuu ahaa mid deymada ka dhashay deetana hiyiga iyo dubaaqa ku barbaaray. Mid inta indhiisa ku bikaacsaday deedna uurkiisa ku fatahay. Kaas oo saameyn ballaaran naftiisa ku reebay. Habeenkaas Cilmi waxaa u furmay baal cusub kaas oo noloshiisii danbe eersaday.
Wuxuu u biyaystay inuu soo helo tii naftiisu tustay inay dawadiisa ahayd. Hayaankii dheeraa ee ugu jiray hanashadeeda, Cilmi wax buuran kama soo himlin. Dhug fogaanta jaceylka iyo qoto dheeraantiisa, waxaa si dhab ah looga dhadhansan karaa gabayada faraha badan ee xiska Cilmi kasoo maaxday.
Markii Cilmi lasoo loodin waayay hiyigiisa, ayaa si hadaba dhibaatadii jaceylka iyo dhega-adeygii Hodan looga fogeeyo Jabuuti loogu dhoofiyay ku-sinnaan 1933-kii. Hayeeshe, dhoofintaas wax milga leh umay kordhin Cilmi. Waayo marnaba maanu qancin ama quusan. Gabayo badan ayuuna ku sheegay inaanu Hodan ilaawi doonin jeer xusuustiisu xabaali ka sarreyso. Sidii bay noqotay—Cilmi jaceylkii Hodan buu dhaawaceedii u dhintay. Hodanna maanta way inaga hooseysaa.
Dhimashadoodii kadib, Cilmi iyo Hodan, inkasta oo ayan guri wada galin –gurboodna isku dhalin – hadana, waxay bahda caashaqa ku qiimeeyaan anba-qaadka arami jaceyl iyo ababin qoto dheer oo lagu hoggaanshay jiritaankiisa. Waloow ay laba arloo kala fogi ku kala iisheen.
Si kastaba, lama oga inta lamaane ee jaceylkii Cilmi iyo Hodan hogatusaale ka dhigtay deedna iyaga oo dhabbe kale qaadaya ku guuleystay inay nolosha ku midoobaan—ubadna isku dhalaan—ama inta waqtigu u hiishay oo wadajir ku wada qaatay calafkooda. Waxaase la ogyahay in maqalka ereyga jaceyl uu mar kasta Cilmi Boodhari ku lamaansan yahay, Soomaalida dhexdeeda.
Balse in badan dadku waxay is-weydiyaan haddii Cilmi calmashadiisii Hodan uu calafku siin lahaa inay nolol wadaag noqdaan, macno sidee ah ayuu caashaqaas mucaashaqiinta ugu dhignaan lahaa agtooda?!!
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!