crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Jaceyl: sheyga wali aynu dhihin!! | HimiloNetwork

Jaceyl: sheyga wali aynu dhihin!!

Qeybta Koobaad:

Hortiisa ayuu ka arkay wuuna gartay durbadiiba. Wuu usoo rocleeyey jeer uu garabkeeda kusoo beegmay kadibna wajigeeda hor istaagay isaga oo la yaab ku dhoolla-caddeynaya. Uma aysan muuqan sidii 15-jirkeedii. Judhiiba ma aysan dhugan. Dukaan daaqadiisa ayay wax ka eegaysay. Wuxuu yara jiiday garba-saarkeeda.

“Haye, Bullo,” ayuu si edebeysan u yiri. Wuu ogaa inaanu qalad sameyn. Hadda ma ahan. Sanado dhowr ahba wuxuu ka fikir jiray inuu ku arkayo goobaha gaadiidka, xafladaha iyo kulamada.

“Bullaale!” sidii ay magaciisa ka dhawaajisayba, qalbigeeda ayaa dhaq-dhaqaaqay. Waxay gocatay kulan-wadijirkoodii koobaad ee xagaaga. Waxay si mid ah ugu wada lulmi jireen jinka webiga Jubba. Waxay wada ahaayeen 18—jirro wuxuuna boggeeda ku nasin jiray madaxiisa, iyaga oo farahoodana ku salaaxi jiray cawska doogga; una sheegi jiray inaanu la’aanteed noolaan Karin.

“Waxaa la yaab leh sidaad igu garatay,” ayuu yiri isaga oo gacmihiisa sii galinaya jeebabka futishaarigiisa.

“Hubanti waan ku gartay,” ayay ku dhoolla-caddeysay. Dhab ahaan si xad dhaaf ah ayay dhawaanahan uga warwaraysay. “Halkan kuma soo noqon sow ma ahan?” Hubaashii maya ayay mooday. Way ogeyd inuu dal-doorsi jeclaa. Xittaa da’dii 18—jirka, maanu dhursugi jirin inuu mar un dunida kusoo dalxiiso.

“Nasiib-wanaag maya,” ayuu yiri. “Wali waxaan ku suganahay Kismaayo.”

Waa socotaa…la soco qeybaha xiga…

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!