Qeybtii labaad:
Dhugasho dheer ayay ku eegtay. Wuxuu ahaa sidiisii. Bidaar kuma sibqin sida ay rag badan oo qeyrkiisa ah ku aragtay. Hayeeshe garbihiisu way fideen; foolkiisuna si aan la dareemayn ayuu u ballaartay.
“Waxaan u imid tacsi,” ayuu sii waday. “Geerida aabahay. Wadne qabad ayuu lama filaan ugu dhintay.”
“Waan ka xumahay,” ayay tiri. Waxay gocatay siduu aabihii u jeclaa iyo ramashidiisii baaxada laheyd ee uu kusoo ababiyay.
“Mahadsanid,” ayuu ku yiri inkasta oo uu laxaw-tiray wuxuu hadana la barooranayay hooyadiis. Waayo hooyadiisa hurdo ma lado la’aantiis. Waxayse muddaba ku dhiiri-gelin jirtay inuu dunida u sodcaalo.
“Waan malaynayaa inaad adiguna halkan ku noolayn?”
“Kismaayo ayaan aniguna kugula noolahay” ayay tiri iyada oo dib u celinaysa ilyarteeda–baaq uu waligeed ku aqoonsan jiray.
“Waxaan kaliya u joogaa arooska walaashay oo berito ah.”
“Waa hagaag,” ayuu yiri waloow walaasheed uu yiqiin iyada oo 12-jir ah; muddana uusan arag.
“Haa,” ayay ku saxday iyada oo dareemaysa in nabarkii kacdimay ee xiriirka dheelliyay uu dib-ugu-kacdoomi karo xafladda walaasheed.
“Oo waalidkaagiina?” ayuu su’aalay. “Sowma fiicna?”
“Fiican.” Waxay xusuusatay sidii uu ugu soo hanqal-taagi jiray dabaqada noloshoodii ahayd cunista cunna-wadaniga iyo dalxiis gudeedka.
La soco qeybta saddexaad.
You must log in to post a comment.